Masar oo Codsatey in loo soo Celiyo Afduubihii Dayaarada

0
287

Masar ayaa weydiisatey Qubrus in loo soo gacangeliyo ninka ku eedeysan afduubkii dayaarada ee salaasadii, sidaasna waxa sheegay dembi oogayaasha masaarida.
Masuuliyiinta Qubrus ayaa ku tilmaamay afduubaha Seif al-Din Mustafa, nin madaxa lagaga jirey oo adeegsadey suun beenabuur ah si uu u afduubo dayaarada masar, kuna qasbay in ay u duusho Larnaca oo ku taal Qubrus.
Denbi oogayaasha masar waxa ay ku doodayaan in  Mr Mustafa loogu soo gacangeliyo heshiis la galey 1996 kii oo dhigayay inlabada dhinac isku celiyaan eedeysaneyaasha.
Qubrus ayaa ninkaasi rumaan u dirty muddo siddeed cisho ah.
 
Eedaha la filayo waxa ka mid ah budhcad dayaaradeed, afduub iyo handadaad.
Mr Mustafa OO 58 JIR AH wax hadal ah kama odhan maxakamadii markii la hor keenay, balse waxa uu bixiyay calaamada guusha oo uu gacantiisa ku ishaarey markii ay boolisku sii wadeen.
Afduubka ayaa la rumeysan yahay in uu sababay muran isaga iyo dhexmarey xaaskiisii hore oo ku nool QUBRUS.

Leave a Reply