Badhasaab Ku Xigeenka Xaysimo Oo Ka Hadlay Abaarro Ka Jira Gobolkaasi

0
776

Taleex (Dawan): Guddoomiye ku xigeenka gobolka Xaysimo Jaamac Ciise Shaacur, ayaa sheegay in xaalad abaareed ay soo food saartay gobolkaasi iyo degaamadda hoos yimaada, isla markaana uu haatan dhamaday wixii calaf ahaa ee ay xooluhu cunayeen.
 
Waxaanu guddoomiye ku xigeenku ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo gudidda abaaraha heer qaran inay gar-gaar la soo gaadhaan bulshadda degaankaasi, oo ay hadda xooluhu bilaabeen inay dhintaan.
 
Jaamac Ciise Shaacur, oo xalay telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska DAWAN, isagoo joogay magaaladda Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo waxa kale oo uu ka hdlay xaaladda nabadgelyo ee gobolka, taasi oo uu sheegay in ay wakhtigan degan tahay.
 
Badhasaab ku xigeenka gobolka Xaysiimo, oo ugu horayn ka warbixinayay  baaxadda abaarta ka taagan degaankaasi waxa uu yidhi “Waxaa jirta abaar baaxad  leh oo ka taagan gobolka Xaysiimo iyo degaamadda hoos yimaadda, waxaana ka jirta abaar saamaysay dadka iyo duunyaddaba.  Inkastoo  ay dalka oo dhan ka jirto abaartu,  hadana   gobolkan Xaysimo waxaa wakhtigan la joogo ka taagan abaar, taasi oo keentay biyo la’aan ka taagan degaamo badan oo gobolkan ka tirsan.
 
Sababta aan uga hadlayaana waa si loo ogaado saamaynta ay ku yeelatay abaartu gobolkan  iyo halka ay xaaladu marayso, iyadoo aanay weli roobabkii gu’gu  ka di’in,  abaartuna marba marka ka danbaysa ay soo kordhayso.   Ujeedada  ugu  weynina waa in la ogaado baaxadda abaarta degaankan ka taagan, xogna aanu ka bixino. Biyo la’aan ayaa jirta, dhulkii ay xooluhu daaqayeena wuu xaalufay, xoolo badan  oo dhintayna way jiraan”.
 
 
Dhinaca  kale,  badhasaab ku xigeenka Xaysimo, waxa   uu sheegay  in  xaaladda nabadgelyo ee gobolku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana  aanay wakahtigan wax hibaato ahi  ka taagnayn. isagoo intaasi ku daray in ay jiraan  dhacdooyin kala danbeeyay oo dilal ahaa, balse  haatan la xaliyay.
 
“Xaaladdda  nabdgelyo ee degaanku aad ayay u wanaagsan tahay,  colaado hore u soo jiitamay oo degaanka ka dhacayna  way jireen, oo laba beelood oo walaalo ah u dhexeeyay, kuwaasi oo haatan sidii loo dhamaystiri lahaa lagu jiro.  Ka  maamul ahaan iyo xukuumadba waa lagu jiraa sidii  hawlahaasi loo dhamaystir lahaa,  diyaar ayaana loo yahay in la dhamaystiri sidii looga shaqayn lahaa nabada labadaasi belood” ayuu yidhi badhasaab ku xigeenka gobolka Xaysimo.
 
Jaamac Ciise Shaacuur, waxa kale oo uu sheegay in maamulka  gobolka oo   wakhtigyadii hore lagu xaman jiray in aanay deganayn magaaladda Taleex, isla markaana aanay ka hwal-gelin  waxa uu sheegay  inay imika si buuxda uga shaqeeyo maamulku.
 
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaasi sida dadku u sheegaan ma aha,  maamulka gobolka Xaysimo wuu ka shaqeeyaa xarunta gobolka ee Taleex,  xafiisyona wuu ku leeyahay, maamulkuna wuu joogaa imika, oo waanigan kaala hadlaya.  Wararkaasi  waa kuwo been ah oo dadka war xumo sheega ah ay faafiyaan,  markaa imika maamulku wuu ka shaqeeyaa  gobolka.
Maamulkuna waxaa loo magacaabay in uu ka shaqeeyo  amaanka iyo hawlaha kale ee gobolka, xukuumaduna way og tahay in maamulku  si buuxda uga shaqeeyo gobolka”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply