Wasiirka Ganacsiga Oo Furay Huteel Cusub Oo Laga Hirgeliyay Hargeysa

0
535

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa xadhigga ka jaray Huteel casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda Hargeysa habeen hore.
Xaflad loo sameeyey furitaanka Huteelkan cusub oo la yidhaa Sugaal Hotel & Restaurant, waxa ka qayb-galay Wasiirro, ganacsato, madax-dhaqameed, culimaa’udiin, dhakaatiir iyo marti sharaf kale.
Huteelka casriga ah ee Sugaal oo laga hirgeliyey badhtamaha magaalada Hargeysa, waxa uu ka kooban yahay dhismayaal dabaqyo ah oo isugu jira; hurdo, cunto iyo goob lagu qaxweeyo oo aad u bilicsan.
Mulkiilaha Huteelka  Mr. Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa ugu horreyn u mahad-naqay marti-sharaftii ka soo qeyb-gashay wan-qalka Sugaal Hotel, isaga oo ka soo marti-sharaftii xafladaasi  ku boorriyey inay noqdaan kuwo macmiil u noqda.
Mr. Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, waxa uu ka warbixiyey dhaqaalaha ku baxay iyo qeybaha uu ka kooban yahay hudheelkani, isaga oo qurba-joogga ku dhiirrigeliyey inay waddankooda ku soo noqdaan oo ay maalgashadaan.
“Waxaan arkayey dad badan oo qurbo-joog ah, marka ay waddanka yimaaddaan ayay yidhaahdaan laguma noolaan karayo oo lagama helo meelihii ay lahaayeen waddamadaas aannu ka nimi lahaayeen meel yar oo dhalaalaysa, meel yar oo nadiif ah iyo meel laga cunteeyo. Runtii farxad weyn bay noo tahay inay maanta Hargeysa ku soo badanayaan goobahaas la isugu yimaad ee laga cunteeyo ee metela dalalka horumaray ee ay ku nool yihiin dadkeenna qurbo-joogga ah, markaa waxaan leeyahay ma hayaan wax ay ku marmarsoodaan,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Sugaal.
Wasiirka Ganacsiga Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay maalgashiga qurbo-joogga ku sameynayaan Somaliland, isaga oo ka sheekeeyey taariikhda qoyskan furtay Sugaal Hotel & Restaurant oo uu ku tilmaamay inay yihiin qoys ku caan ah ganacsiga noocyadiisa kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
“Run ahaantii, maamuus iyo milgaba waxay ii tahay in la igu sharfo furitaanka xafladda Sugaal Hotel & Restaurant oo ah mid quruxda badan ee sida casriga ah loo dhisay, taas oo ay suurtogeliyeen, mulkiyadiisana leeyihiin ilma Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo aynu midhihiisii haynno caawa [31/March/2016], kaas oo ahaa qoys ku caan ah ganacsiga noocyadiisa kala duwan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba. Inamadiisii iyo hablihiisiina waxaan leeyahay hanka, himilada iyo hadafka aad u sameyseen ganacsigan iyo hudheelkan Allaha idinku guuleeyo,” ayuu yidhi Eng. Deyr, waxa uu intaa ku daray, “Sidoo kale, waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Faarax Sugaal (AUH) aasaasihii Rugta Ganacsiga Somaliland ilaa 2011-kii oo uu dhimanayeyna isaga ayaa ka ahaa mas’uul, kana soo qeybgalay nabadeyntii dalkan oo run ahaantii u huray dedaal iyo tacab sidii Somaliland u noqon lahayd mid adduunyadu maalgashato oo ganacsigu ka hirgalo.”
Wasiirka Ganacsiga waxa uu xusay  in xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo u diyaar tahay dhiirri-gelinta muwaaddiniinta maalgeshinayaan dalkooda, waxa uu yidhi; “Dadku waxay yidhaahdaan maalgashiga caalamiga ah, balse maalgashiga maxalliga ah ayaa ka badan boqolkiiba sagaashan (90%) ka caalamiga ah; kanba waa maalgashi aynu caawa joogno waa ganacsato reer Somaliland ah oo ku tashaday nasiibkooda, awooddooda iyo kartida ay ummaddooda u leeyihiin inay dalkooda ay maalgashadaan.
Waxa dib ugu noqon maynu halka Somaliland ka timi, balse waxa jecelahay inaan is dul taago ganacsatadu guud ahaan waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, waa meesha uu ka soo xareedo dakhligu, marka la tago waxyaabo fara guudkood ah oo caalamku innagu caawiyo. Ganacsatadeennu waa cashuur-bixiyaha koowaad waa meesha ciidammadeena hadh iyo habeen heeganka ah mushaharkooda laga bixiyo ee macallimiinta iyo dhakhaatirteena lagu bixiyo.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa u duceeyey muwaaddinka hirgeliyey Sugaal Hotel & Restaurant, waxaannu ka sheekeeyey taariikh-nololeedkii iyo hawlihii shaqo ee ay soo wada qabteen marxuum Cabdiraxmaan Faarax Sugaal (AUH).
“Sida Soomaalidu ku maahmaahaan waxa la yidhaahdaa, ‘Nin iyo xoolihii ma kala hadhaan.’ Laakiin, nasiib-wanaag maanta carruurta uu ka tagay Cabdiraxmaan Faarax Sugaal waxa muuqata inay ka dhaxleen shaqaddii, khibraddii iyo aqoontii, siina wadaan. Tusaale fiican buu inoo yahay Maxamed Cabdiraxmaan Faarax, ummadda kale ee halkan fadhidana waxaan Ilaahay uga rajeynayaa inuu ubadkiinna sidan oo kale ka dhigo oo is anfaca, dalkana anfaca Alle ha ka yeelo,” ayuu yidhi Wasiir Khaliil.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Korontada SOMPOWER  iyo Mulkiiladaha hudheelka Hadhwanaag Xasan Bulbul kuwaas oo ku ammaanay mulkiilaha Sugaal Hotel & Restaurant hawlaha ganacsiga ee uu ka dhaxlay aabbihii Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Somaliland.
Hudheelka cusub ee Sugaal Hotel & Restaurant waxa uu u qeybsan yahay saddex qeybood;

  1. Hurdo: oo u sii kala baxda qolal sariir keliya leh iyo qaar laba sariirood ah
  2. Cunto: tayadeedu la mid tahay kuwa hudheellada ugu waaweyn ee ka dhisan Somaliland iyo weliba cuntooyinka fudud
  3. Qeyb lagu qaxweeyo aad u bilicsan.

Leave a Reply