Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Is Faham Ka Gaadhay Wadahadalladii Isticmaalka Dekadda Berbera

0
245

Debra-zeyit-(Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa la saxeexatay Dawladda  Itoobiya Heshiis Taariikhi ah oo u ogolaanaya inay badeecadaha ay dibedda ka keensadaan kala soo degaan Dekadda Caalamiga ee Berbera, oo la filayo inay sare u qaado dhaqaalaha Somaliland.
Shir muddo saddex maalmood ah  u socday guddi farsamo ka kala socday wadamadda Somaliland iyo Itoobiya oo ku saabsanaa isticmaalka dekadda caalamiga ah ee Berbera ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Debre zeit  dalka Itoobiya .
Mudadii uu shirku socday oo doodo iyo falanqeyn masuuliyiinta labada dawladoodba ka yeesheen sidii loo horumarin lahaa isticmaalka badeecadaha ay dawladda itoobiya ay kala soo degto Marsadda  Berbera, kana qeyb-galeen masuuliyiin ka socday wasaaradaha dalka, Maareeyaha Guud ee dekaddaha Somaliland iyo Madaxda safaaradda Somaliland ku leedahay Itoobiya,dhinaca Itoobiya waxa shirka ka soo qeyb galay madax iyo masuuliyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee hay’adda Itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr Mekonnen Abera.
Heshiiskan oo magaalada Debra-Yeyit ee dalka Itoobiya lagu kala saxeexday ayuu Somaliland u saxeexay Maareeyaha Guud ee Dekadaha Somaliland Eng. Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor), halka dhinaca Itoobiya u saxeexay Agaasimaha Guud ee Hay’ada hawlaha Baddaha Mr. Mekonnen Abera, ayaa ugu horeyn Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Adaan Muuse Jibriil oo ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey faa’iidada heshiiskani u leeyahay labada wadan, waxaanu yidhi “Waa Heshiis taariikhi ah, fikirada isticmaalka dekeda Berbera waxay soo bilaabmatay muddo boqol iyo toban sannadood horteed, wakhtigii maxmiyadii Ingiriisku joogay Somaliland.”
Maareeyaha Dekaddaha Somaliland Eng: Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) oo ka hadlay saxeexida heshiska ayaa sheegay inuu daba socdo heshiis hore oo labada dawladood ay wada galeen sannadkii 2015, oo ku saabsanaa isticmaalka dekedda Berbera,heshiiskana yahay kii labaad oo lagu dardar-gelinayo hawlaha socodka badeecadaha dawladda iyo ganacsatada itoobiya ay kala soo dagaan dekedda Caalamiga ah ee Berbera,Cali Xoor Xoor ayaa sheegay in uu yahay heshiiskani mid u horseedaya horumar labadda dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta (shalay) saxeexo heshiiskii isticmaalka dekada Berbera ee dawlada Itoobiya, insha alaah wuxuu noqon doonaa heshiis kheyr badan u keena labada Shacabka iyo labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya.”
Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa sheegay in heshiis kale oo ku saabsan horumarinta xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan dhowaan kala  saxeexan doonaan.
Agaasimaha Guud ee hayadda Itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr Mekonnen Abera oo ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabsan isticmaalka iyo socodka badeecadaha itoobiya kala soo degto dekadda Berbera.
Mr. Abera  waxa uu intaas raaciyey inay muhiim tahay sidii uu u fulin lahaa heshiiskan taariikhiga ahi iyo in labada dalba ka faa’iidaystaan isku socodka ganacsiga.“Muhiimada u weyn maaha saxeexa heshiiskan, balse waa inuu dhaqan gal noqdo, markaa waxa loo baahan yahay sidii aynu ku dhaqan gelin lahayn,”ayuu ku dooday Mr. Abera.
Dhinaca kale, dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday xaddiga badeecadaha ganacsi  ay kala soo degi doonaan dekadda Berbera, sida Wasiirka Gaadiidka Mr. Workeneh Gebeyehu hore ugu shaaciyey, mar uu baarlamaanka Itoobiya khudbad ka jeedinayey bishii February sannadkan.
“Shan iyo toban boqolkii badeecadaha aan dibeda ka soo dejisano waxa noo qorshaysan inay soo maraan dekada Berbera, waxaan sidoo kale noo qorshaysan inaan dekado kale oo munaasib ah raadsano, laakiin dekada Jabuuti waxay ahaan doonta ta ugu muhiimsan.”
Shirkada maraakiibta Itoobiya (ESLSE) oo leh 15 markab, laba qaadaan shidaalka ayaa la sheegay inay wakiil ka samaysatay dekada Berbera.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa ka dhaxeeya iskaashi balaadhan oo dhinacyo badan leh,waxana xusid mudan in heshiiskani uu yahay mid muhiim ah oo sahlaya inay itoobiya badeeacadda badan kala soo degto dekadda caalamiga ah ee Berbera,waxana uu heshiiskani u horseedayaa labada shacabka ee Somaliland iyo itoobiya in ganacsiga ka dhaxeeyaa uu soo xoogaysto,isla markaana labada dal iyo labada shacaba ay ka faa’iidaysan doonaan midhaha heshiiskan taariikhiga ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply