Calawiyiinta oo Iska fogeeyay Asad

0
274

Talaabo aan hore looga baran, ayaa qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha firqada calawiyiinta ee Suuriya ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Bashar Al Asad waxay shaaciyeen dokumenti ay BBCduna heshay oo ay isaga fogaynayaan rajiimkiisa.
Waxay caddeeyeen nooca mustaqbal ee ay la rabaan waddanka, ka dib 5 sano oo uu ku jiray dagaal sokeeye.
Hogaamiyeyaasha mujtamaca iyo kuwa diinta ayaa sheegay inay rajaynayaan inuu iftiin u bidhaamo calawiyiinta, wax ay ku tilmaameen wakhti muhiim ah, ka dib muddo dheer oo lagu jiray in wax kasta ay sir ahaadaan.
Laba ka tirsan hogaamiyeyaasha Calawiyiinta Suuriya oo dalbaday in aan la magac dhabin oo ah ragga qoray documentiga, ayaa BBC da u sheegay inay goosteen inay ka soo saaraan warbixintan ku saabsan aqoonsigooda, maadaama oo Calawiyiin badan lagu laayay Suuriya sababtuna ay tahay caqiidadooda.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay muhiim tahay in aan Calawiyiinta la saarin dambiya ay xukuumadda talada haysaa ku kacday.
Kala qaybsanaanta mad-habtu waa mid ka mida waxyaabaha ugu waawayn ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda hurinaya.
 
 
 

Leave a Reply