Madaxweyne Zuma oo Ballanqaaday inuu u Hoggaansamayo Maxkamada

0
259

Madaxweynaha Koofur Afrika  Jacob Zuma ayaa ballanqaadey inuu u hoggaansamayo xukukna maxakamada ee ah inuu bixiyo lacag dawladeed oo uu ku dayactirey guri uu gaar u leeyahay.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu raali gelin ka bixinayo arrinta loo heystay ee lacagaha malaayiinta dollar ah ee uu ku dayactiray gurigiisa gaarka ah.
Zuma ayaa sheegay inuu u hoggaansami doono go’aanka maxkamadda oo ku amartay inuu bixiyo lacagta malaaytiinta dollar ah ee ay ku xukuntay maxkamadda ugu sareysa Koonfur Afrika.
Khamiistii  ayaa maxkamaddu waxay sheegtay Madaxweyne Zuma si khalad ah u isticmaalay lacagtaasi isla markaana uu bixiyo dhamaanteed.
Madaxweyne Zuma ayaa arrintan kaga dhawaaqay telefishinka dalkaasi oo uu si toos ah uga hadlayay.
Zuma waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii maxkamadda isla markaana uu u hoggaansamayo.
 

Leave a Reply