Maxaa Loo Hirgelin Waayay Digreetadii Madaxweynuhu Dalka Kaga Mamnuucay Isticmaalka Bacaha?

0
289

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa  uu 2015/04/14/ soo saaray digreeto uu dalka kaga joojiyay isticmaalaha bacaha lagu adeegto, taasi oo lagu sheegay in bacdu ay dhibaato ku hayso bilicda iyo bad-qabka degaanka dabiiciga ah.Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 120 maalmood ka dib isticmaalka bacuhu mamnuuc ka yihiin dalka, waxaannu wasaaradaha ku shaqada leh faray inay arrintaasi waajibkooda ka gutaan.Ujeedadda laga lahaa ama ka dambaysay  joojinta bacahu  waxay ahayd iyadoo ay bacdu fool xumo iyo qashin ku keentay degaanka iyo dhibaato ay ku haysay xoolaha, iyadoo marka ay xooluhu cunaan ay ku le’daan. Muddo laba  sannadood iyo dheeraad ah,  ayaa laga joogaa markii dalka  Somaliland laga mamnuucay in laga isticmaalo noocyada kala duwan ee bacaha, hase yeeshee waxaa weli si caadi ah looga isticmaalaa  guud ahaanba dalka miyi iyo magaalaba noocyada kala duwan ee bacaha.  inkasta oo la sheegay in qiimaha ay dukaamadu ku iibiyaan uun uu qaaliyoobay.Magaaladda Hargeysa waxaa ku ooli jirtay wershad samayn jirtay noocyadda kala duwna ee bacaha, taasi oo la sheegay in ay iskeed u xidhantay ka hor wakhtigii dalka laga mamncuucay bacaha.Bacaha lagu isticmaalo magaalooyinka iyo baadiyaha Somaliland ayaa isugu jiray kuwo dalka lagu farsamayn jirin kuwasi oo ahaa nooca ugu badan ee dalka laga isticmaalo iyo kuwo ay ganacsadu dalku dibada ka soo deijin jireen.Kontonkii sannadood ee u dambeeyay isticmaalka bacaha waxa uu ka jiray dhulka Soomaalida oo dhan, isla markaana waxay bacdu  ahayd bulshadda weel ay alaabt ku qaataan xataa dadka meelaha baadiyaha iyo tuullooyinka ka  soo dukaamaystaa.Waxa haddaba la yaab noqotay Arbacadii toddobaadkii hore wasaaradda degaanka iyo horumarinta miyigu ay gacanta ku dhigtay baabuur dhan oo nooca xamuulka ah oo sida bacaha dalka laga mamnuucay iyadoo waliba badeecadan kootarabaanka ahi ka soo degtay marsadda Berbera.Waxa dadweynuhu aad ula yaabeen sida ay ku suurtogashay in bacdii la xaaraantinimeeyay ay wali sifo sharci ah uga soo degayso dekadda Berbera, waxase la eegi doonaa tallaabada laga qaado maamulka dekadda Berbera oo dhegaha ka furaystay wareegtadii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku doonayay inuu dalka kaga tirtiro waxyeeladda aan qiyaasta lahayd ee bacaha noocyadooda kala duwani ku hayaan billicda iyo degaanka dabiiciga ah labadaba.
Waxaana jirta in bilihii u dambeeyay dukaamada ku yaala magaalooyinka kala  duwan ee dalka waxyaabo kale oo la sheegay in lagu bedelay bacdii, taasi oo muuqaal ahaan u eg harqad ama maro.Balse waxay bulshadda badankeedu isku raaceen in waxan kale oo lagu bedelay bacda inay ka tayo xun tahay  bacdii, isla  markaana ay qiimo ahaan ka qaalisan tahay. Haddaba, waxay su’aashu tahay maadaama oo dalka laga mamncuucay istimcaalka bacaha, halkee ayay bacaha laga keenaa?  Ha’yadaha ammaanka iyo wasaaradda ku shaqada leh wax ka qabashadda mawduuca bacaha waxa looga baahan yahay inay tallaabooyin dheeraad ah qaadaan isla markaana dedaalkoodu noqdo mid isku xidhan oo lagu dhaqan-gelinayo wareegtadii madaxweynaha oo hore ray’ul caamka bulshadu u soo dhaweeyeen.Waxa kale oo lama huraan ah in ganaax culus iyo ciqaabo kale ay mutaan ganacsatadda wali sida sharci darrada ah u soo waaridaya bacda.Bacahan dalka soo gelaya ayaa la  ogaaday    inay ka yimaadaan dhinac Puntland oo ay ku taallo wershad farsamaysa bacaha. Waxaana la sheegay in ganacsato badani ay si qarsoodi ah ku soo geliyaan magaalooyinka Somaliland, isla markaana ay soo baxeen gancasato cusub oo si tuugo ah keena, kuwaasi oo macaash badan oo ka hela kana faa’iidaystay qorshe la’aantii ay Somaliland ku joojisay.Sidoo  kale waxaa la sheegay in werhsadaha farsameeya bacaha ee k u yaalla Puntland iyo Soomaaliya ay laban-laabeen wax soo saarkoodii dhinaca bacaha. Maadaama ooay suuq cusub oo ganacsi u heleen, isla markaana imika magaalooyinka Somaliland ay suuq fiican oo qiime sare  ah kaga helaan iibka bacaha.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply