Australiya oo Dalkeeda u Oggolaatey Caruur Muhaajiriin ah

0
300

Dawladda Australiya ayaa sheegtay in ay sii daysay caruurtii ugu dambaysay ee magangalyo doon ah ee lagu hayay xarumaha dadka lagu hayo ee aan Jasiiradaha ku oolin.
Laakiin waxaa jirta tiro kale oo wali lagu hayo jasiiradda Nauru.
Caruurta jooga dhulka aan Jasiiradaha ahayn waxay hadda awoodi doonaan in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan inta codsiyada magangalyo doonimadooda laga dhagaysanayo.
Sharciga Australiya ee soo galootiga ayaa dhigaya in qaxootiga la celiyo ama lagu hayo xerooyinka jasiiradaha ku yaala.
Saraakiisha dawladda Australia waxay sheegeen in kooxdii u dambaysay ee caruur ah ay isugu jireen kuwo aad u yaryar iyo kuwo ilaa 17 jiro ah.
Sababta looga soo qaaday Nauru ayaa ahayd in qoysaskoodu ay u baahnaayeen dawooyin.
Si kastaba ha ahaatee waxaa dib loo fiirin doonaa codsiyada ay magangalyada ku doonayaan, hadday ku guuldaraystaana dib ayaa loo masaafurin doonaa.
Caruurta magangalyo doonka ah ee dalkaasi ayaa gaadhay meeshii u saraysay, waxaa la diiwaan galiyay 2000, bishii June ee sanadkii 2013-kii.
Wasiirka socdaalka Peter Dutton, ayaa sheegay in sii daynta u dambaysay ay tahay muhiim.
Laakiin 1,700 oo ruux oo magangalyo doon ah, qaangaadhna ah ayaa wali ku jira xabsiyada dhulka aan jasiiradaha ahayn ku yaala.

Leave a Reply