Mareykanka oo Sheegtay inuu Diley Khabiir Daacish ah

0
488

Milateriga Mareykanka ayaa sheegtay in dayaarad aan duuliye laheyni ay dishay khabiir dhinaca gantaalaha ah oo ka tirsan Daacish, kaas oo la rumeysan yahay inuu masuul ka ahaa weerar lagu hoobtey oo ciidamada mareykanka ku qabsadey waqooyiga Ciraaq.
Khabiirka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Jasim Khadijah oo ku xeeldheeraa gantaalaha.
Bishii hore ayay aheyd markii askar mareykan ah la diley, qaar kalena lagu dhaawacay saldhig ciidamada mareykanku adeegsadaan oo ay Daacish duqeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here