Azerbaijan oo ku Dhawaaqdey Xabad joojin Iskeed ah

0
289

Azerbaijan ayaa ku dhawaaqday “xabbad joojin iskeed ah” oo la xidhiidha dagaalka ay kula jireen ciidammada Armenian-ka ee ay isku hayaan dhulka la isku haysto ee gobolka Nagorno-Karabakh.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Azerbaijan, ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baaqa caalamka ee ku aadan in dagaalka la joojiyo.
Is rasaasaynta ayaa sii socotay Axadii , isku dhacyadaasina waxaa ku geeriyooday soddon askari, dadka shacabka ah ayay iyaguna waxyeelo soo gaadhay.
Nagorno-Karabakh waxaa gacanta ku hayay gooni u goosadka qowmiyadda Armenianka tan iyo dagaalkii dhamaaday 1994-tii.
Wasaaradda difaaca ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in reer Azerbaijan oo samo raadis ah ay go’aansadeen in ay colaadda joojiyaan.
Waxayse sheegeen in ay is difaaci doonaan haddii ciidankooda la soo weeraro.
Dhanka kalana wararka laga helayo Armenia waxay sheegayaan in labo ka mid ah ciidammada Karabakh ay ku dhaawacmeen dagaal axadii  dhacay.
Axadan Armeniyiintu waxay sheegeen in 18 askari oo qawmiyadda Armenia ah in ay dhinteen, dhanka kalana Azerbaijan waxay sheegtay in ay ka dhinteen 12 askari.
Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Karabakh ayaa sheegay in wiil 12 jir ah uu ku dhintey dagaalka labo caruur oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Leave a Reply