Waa in aan dhalaa 100 caruur ah si aan janada u galo

0
521

Sida lagu daabcay wargeyska Abunwaaf,ย  nin dhakhtar ah oo lagu magacaabo Jhaan Maxamed ayaa dhalay 35 caruur ah, isagoo qaba 3 dumar ah. Ninkan ayaa aaminsan inuu caruurtiisa gaadhsiiyo 100, si uu janada ugu galo. Waana sida uu isagu rumaysan yahay. Ninkan ayaa sheegay inuu wakhtigan diyaar u yahay inuu guursado gabadhiisa afraad, si uu uย  dedejiyo in ubadkiisu gaadhaan 100 .
Dr. Jhan daโ€™diisu waa 43 sano, waxaana uu rumaysan yahay in mar kasta oo carrutiisu soo badato ay soo dhowaanayso fursaada uu janada ku gelayaa . Wakhtigan wuxuu qabaa Nasa 00 32 jir ah, Nura 00 28 jir iyo Pepe 25 jir ah. Caruurtiisa ayaa wakhtigan kala ah 14 wiil iyo 21 hablood. Qoysaska Jhan ayaa kuwada nool hal dabaq oo ka kooban 12 makhsin , waxaana uu ka sheqeeyaa magaalada Kuwiata isagoo mushahra ahaan u qaata lacag u dhignata 955 doller, waxaana uu sheegay inay ku filan tahay baahiyaha qoyskiisa. Jhan ayaa sheegay in aanu kala aqoon magacyada caruurtiisa, laakiin uu ku faraxsan yahay in gurigiisa ay ka buuxaan caruuri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here