Khadar M.Dhako
Hargeysa (Dawan): Xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiilladda Somaliland, ayaa si wada jir ah uga hadlay go’aankii lagu hakiyay diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dalka ka socotay.
Waxaanay sheegeen xildhibaanadaasi in tallaabadaasi ay ahayd mid ay duruufi keentay, isla markaana tallo qaran laga yeeshay.Labadan xildhibaan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa,waxay ku tilmaameen arrintaasi mid go’aankii qaran ah oo ay isla qaateen xukuumadda, xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo komishanka doorashooyinka, kaasi oo lagu go’aamiyay in muddo bil ah la hakiyo diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.
Ugu horayn xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, oo ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha dib u dhigista diwaangalinta codbixiyayaasha, waxa uu yidhi “Diiwaangalintu waa wax aad loogu baahanyahay, koomishanka doorashooyinka waan ku amaanayaa habka wanaagsan ee ay u wadaan diwaangalinta codbixiyayaasha oo qorshe wanaagsan ku socota, laakiin haddii ay masiibo timaado waa in talo laga galo. Abaaro ayaa inagu habsaday Bari iyo Galbeedba, heerka ay marayaan waan ognahay, dhibka ay dadkeenii gaadhsiiyeen waan ognahay, markii diiwaangalinta la bilaabayayna kumaynaan talo gelin in abaari ku timaado.
Laakiin waa masiibo inagu timid, haddii taasi inagu timid ma aha in arrin suuban dhib lagu sheego, cidii ay khusaynaysay way fadhiisatay dabadeetana wax baa la isla gaadhay dan loo arkay. gobal hebel-na looguma danaynaynin cid loogu danaynayayna ma jirto, waa wax dan loo arkay oo dadka loogu danaynayay oo loo raacay duruufta jirta. Markaa ma aha in dadka qaarkii ka soo saaraan xumaan.”
Sidoo kale, xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush ayaa isna ku tilmaamay tallaabo sax ahayd qorshihii lagu hakiyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha abaaraha baahsan ee dalka ka jira awgeed. Isagoo dhinaca kalena xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay in aanu dank a lahayn dadka ay abaartu ku habsatay ee dhimanaya balse uu kursiga uun u muuqdo. Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa arrin sax ah qorshihii dib loogu dhigay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maadaama o ay dalka ka dhacday abaar baahsan. Iyadoo dadkeena inta badani ay yihiin xoolo-dhaqato, xiliba xiliga ka danbeeyana ay abaartu ka soo darayso. Xisbiga WADDANI ee ka soo hor jeedsadayna aad iyo aad ayuu ugu qaldan yahay, waanu ku cawarmay, kursiga ayuun baana u muuqda, ee dadka dhibaataysani uma muuqdaan.”.
“Taladda xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahooduna waa mid aanay tallo u soo kordhin. Shalay haddii ay Boorama dad ku dhinteen, oo ay ka sii dartay abaartii miyaa la sii wadayaa uun diiwaangelintii? Khalad ayaa lagu waday diiwaangelinta, imikana kamay soo rayn abaartu ee way ka sii dartay. Haddii uu roobku di’I waayana ninkii doorasho ku deg-degayoow, doorasho ayaan dhacayninba, ayaa doorashadda loo qabanayaa”ayuu yidhi xildhibaan Caraale.




















