By. Axmed M. Saleebaan
Burco(Dawan):- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah haldoorka mudanayasha golaha deegaanka magaalada Burco ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay xukuumaddii wax-qabadka.
Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo shalay la hadlay warbaahinta magaalada Burco, waxa kale oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay jid laami ah oo cusub, kaasi oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaalada Burco, iyo waxyaabihii u qabsoomay golaha deegaanka ee magaaladaasi.
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) isaga oo ugu horrayn ka warbixnaya jidkaasi cusub ee laga hirgelinayso magaalada Burco waxa uu yidhi “Maanta waxaanu taagan nahay jid cusub oo laami ah oo laga hirgelinayo magaalada Burco, jidkaasi oo ka soo bilaabmaya Asbiima, kuna dhammaanaya Ina Cabdi Xiis, waadna aragtaan sida uu u socda hawsha jidkan oo gabogabo ah, isla markaana uu ku sugan yahay maayarkii magaalada Burco.”
Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu samaynay intii aanu joognay dhawr jid oo laami ah oo isku noqonaya dhawr iyo labaatan kiiloomitir, waxaa noo hadhay xaafadii hore loo odhan jiray Oktoobar ee hadda la yidhaahdo Sheffield, Xaafadda Saylada iyo xaafadda Jarmalka, intaas ayaa noo hadhay iyagana dhakhso ayaanu u gudo geli doonaa.”
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) waxa uu mahad naq ballaadhan iyo bogaadin u soo jeediyay xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo. “Waxaan u mahad naqaynaa oo aanay la’aantood noo suuro galeen hirgelinta jidadkaasi badan xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo wasiir Samsam Cabdi Aadan isla markaana naga caawiyay suuro-gelilneeda, jidadkaasina waxa ay isugu jiraan wax ay xukuumaddu naga caawisay iyo qaar aanu annagu dawlad hoose ahaan aanu dhisnay,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) waxa kale oo uu baaq u diray dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco, isaga oo u soo jeediyay in ay muujiyaan isku duubni iyo horumar, isla markaana haddii ay wax la yimaadaan ay dawladda hoosena garab istaagi doonto, waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Burco waxaan u sheegaynaa in ay iyagu is abaabulaan oo ay wax la yimaadaan isla markaana ay dhaqaale iska ururiyaan, isla markaana ay nooyimaadaan, annaguna diyaar ayaanu u nahay, hadday tahay Jay iyo daamur labadaba.” Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Jidkan laamiga ah ee aanu maanta wadnaa waxa weeye waddada hor marta Telesom ilaa Al-khaliij, labadaas laami waddada isku xidhaysa weeye, qiyaas ahaana waa ilaa siddeed boqol oo mitir, waa meel u baahnayd in waddo laga sameeyo oo ay biyuhu fadhiisan jireen oo saxo xumo badan lagu qabay, waana magaalada gudaheeda, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa in ay noqoto mid raandhiis leh.”





















