Qiso: Meeday Alaabtii Gurigaaga

0
317

Nin Maraykan aya tuulo ka mid ah dalka Turkiga u dalxiis tegay ,waxaana uu tuuladaasi dadkii degenaa weydiiyay ninka u caqliga badan tuuladan inay u tusaan.

Waxay u geeyeen nin caabud ah oo guri yar ku jira , kaasi oo ay u yaaleen kutub iyo gogoshii uu ku seexanayay oo keliya.

Ninkii Maraykank ahaa oo yaaban ayaa ku yidhi “ Oo meeday alaabtii guriga ku taalay “?

Caabudkii ayaa ku yidhi oo adiga taadii meeday ? Ninkii dalxiiska ahaa ayaa ku jawaabay anigu waxaan halkan ku joogaa dalxiis, waxaan ka imi dalka  Maraykanka oo aan u dhashay alaabtaydiina halkaas ayay taallla..

Ninkii Caabudka ahaa ay ku yidhi “ Aniguna sidaada oo kale ayaan ahay halkan dalxiis ayaan ku jooga “. Ninkii Maraykanka ah oo yaaban oo aan weli jawaabin ayuu haddana raaciyay “ Miskiin Banii’adam waa dalxiisaha dunidan oo wakhti yar joogaya, hadan wuu isku mashquulinayaa, oo wahktigiisa badankiisa ku bixinya”” Marka alaabtaydii waa cabsida Allah (sw) ee  aan iga haydhayn markaan hoygagii runta ahaa gaadho.ee halkan ku haysto.

Leave a Reply