Khalaaladka Burbruriya Ganacsiga yar yar

0
398

Qaybtii Labaad

5- KU DHEERAASHO QORSHAHA: Ku dheeraasho qorshaha oo lagu wareero.

Qorshe kasta ee ganacsi waxaa muhiim in looqoro si kooban oo macne buuxa leh. Ugu badnaan ilaa 10-15 bog, oo inta badan aad kusoo koobto muuqaal ka guud ee qorshaha ganacsiga ama qaybaha ugu muhiimsan. Hadii faah-faahinta ganacsigu aad u sii dheeraato waxaa dhici karta in ujeedaga guud ee ganacsigu lunto ama aan si fiican loo fahmin. Waxa aad u baahan tahay oo kaliya haykalka guud adiga oo aan qayb gaar ah ka tagin.

6- QORSHE MALE AWAAL AH OO AAN RUNTA KU FADHIN. Cilmi baadhis dhab ah aan ku fadhin ee “LA Yidhi” ah.

Inkastoo qorshe kasta ku fadhiyo malo iyo hami la hiigsanayo hadana waxaa loo baahan yahay in lasameeyo baadhitaan ku salaysan cilmi iyo xaqiin la taaban karo.waxaa inta badan la ogyahay in male kasta ee ganacsi gundhig giisu yahay guul laakiin guushaasi waa in aysan noqon mid riyo maalmeed ah. Baadhitaan dhab ah ayaan rumayn kara riyadda ganacsigaaga.
xusuuso qorshe kasta waa in uu leeyahay qorshe labaad oo hadii kan koowaad uu shaqayn waayo lagu baxsado kan labaad. Weligaa ha isku halayn hal qorshe.

7- SAADAAL QARASHA OO AAN DHAB AHAYN. Qarashka ku baxaya abuurida hore ee ganacsiga oo ka yaraata , qarash ka dhabta ah.

Waxaa lahamiyaa in ganacsi kasta si dardar ah ku bilowdo marka aas-aas ka loo taagayo. Gaar ahaan kharashka ku baxaya bilowga ganacsiga ayaa lagu fakaraa in uusan kala go’in inta uu bilowga yahay. khasaaraha ugu wayn waxa uu yimaadaa marka ganacsi bilow ahi u istaago kharash la’aan, taas oo khasaare iyo niyabba keenta. Lacagta cadaan ka ah ee lagu socodsiinayo bilowga ganacsiga waa in loo xisaabiyo si xaqiiqda suuqa ah. Waa in kharash kasta meeshii loogu talagalay uu ugu baxo si ku filan. Hadii laga yarayn karo waa faa’ido.
Waa in la sameeyo baadhitaan dhab ah, qiimayn suuq, kharash ka guud oo baxaya bilowga ganacsiga oo si xaqiiq ah loo qiimeeyo.
Waxa in badan aan soo arkay ganacsi warshad, Hotel, ama dhisme la bilaabay , kharash ki ka kala go’ay , oo muddo qabyo ah. Waxaa sabab u ah xisaab iyo qiimayn xumo suuq.Ku xisaabtan kharash ka iyo lacagta loo baahan yahay ee hore.

8- TARTAMAYAASHA GANACSIGA OO AADAN AQOON: Tartamayaasha ganacsiga oo aan la aqoon ama la yaraysto.

Qorshe haaga ganacsiga waa in ay ku qoran tahay cidda kugula loolamaysa suuqa. ganacsiyda kale ee kula tartamaya. Markasta si toos ah ama si dad banba waxaa jira ganacsiyo kale oo kugula loolamaya suuqa.

Si kastoo aad u malaysaba, waxaa jira ganacsi kula tartamaya. Waa suurto gal in uusan ahayn mid toos ah …. tusaale ganacsi soo saara badeecada aad soo wado mid la mid ah. laakiin xitaa ku fakir mid u dhigan ta. Waxaa la yidhaah daa ” Faraha waxaa badal u ah ama u dhigma qaado”. labba shay oo laysku badalan karo hadii mid ka kale la waayo. sida; Bariis iyo Baasto , Coffee iyo Shaah , Caano xoolaad iyo Caano boodhe, iwm. Wax kasta oo lagu badalan karo badeecadaada ama adeegaaga.

Isku soo wada doobe, Tartan ka ganacsigu waa kan ka doonaya lacagta Macaamiishaada. Ma dhici karto sida badan in uusan jirin tartar suuq. loolan ka suuqu waa fursada ganacsigaaga. Waa meesha ugu horaysa ee hadii aad ku guulasto , faa’ido aad ka gaadhi karto ganacsi gaaga. tartan ka suuqu waxa sidoo kale uu muujiyaa in uu jiro suuq laga samayn karo ganacsi.

9- IS WAAFAQID LA’AAN. Naqshada , Qoraal ka iyo hadal ka qorshaha oo aan isku mid ahayn.

Iska ilaali hadal ama qoraal is diidaya ama iska hor imaanaya. Qorsha haagu waa in uu is waafaqsan yahay bilow ilaa dhammaad si loogu qanco. ku dadaal in warbixin ta iyo xogta aad soo bandhig to ay isku mid tahay. Iska hubi in dhammaan qoraal ka warbixin taadu yahay xaqiiq baadhitaan dambe lagu samayn karo, sida suuqa, Maacaamiisha, Qarash ka baxayan , Daqliga soo xaroonaya, iyo dhamaan shax-da ku jirta warbixin taada

10- AAN LAHAYN SUUQ GAYN CAD: Ka maran siyaasad suuq.

Qorsha haaga ganacsigu waa in si buuxda u sharaxayo IIBKA, BEEC GAYNTA IYO QAYBINTA. Su’aalaha ugu muhiimsan ee u baahan in laga jawaabo waxaa kamid ah: Yaa wax ka gadanaya ganacsigaaga? Sababta ay u gadanayaan maxay tahay ? sidee ugu gayn kartaa? Suuqu waa meesha ugu muhiimsan ganacsiga si aad u socod siiso badeecada ama adeega aad iibinayso. Hadii aadan lahayn siyaasad dhex galka suuqa ee dhamaystiran waxaa kugu baaraya badeecadii ama deegii aad iibinaysay. Diyaari qorshe aad ku taqaano macaamiisha aad wax ka iibinayso, ku kasban lahayd macaamiil , ugu adeegi lahayd sida ugu sahlan oo kharash yar, kula tartami lahayd ganacsiyada kale, u ogaysiin lahayd ama u billi lahayd badeeco ama adeegaaga.

11- IN AAD QARISO CAQABAAD KA. Horumar kasta waxa uu leeyahay caqabad u baahan in laga hor wareejiyo.

Marna ha qarin caqabaad ka ganacsigaa si aad u qanciso dad maalgalinta samaynaya. Cadee , Qeex oo sharax caqabad kasta ee kugu iman karta si aad uga feejignaato ama aad u hesho talo iyo xeelad looga gudbi karo caqabaad kaas marka aad soo bandhigayso qorsha haaga. Ganacsi kasta waxa uu leeyahay caqabad, laakiin hadii aad qariso waxa ay noqon kartaa in aadan waxba ogayn oo xog badan oo dhab ah aadan hayn. marka aad soo bandhigto caqabaad ka ganacsiga waxa ay cadaynaysaa daacadnimo iyo baadhitaan dhab ah aad samaysay.

 

 

Leave a Reply