Haweenay Fannaanad ah oo 50 jir ku Dhashay

0
294

Janet Jackson oo ah gabadh heesaa ah ayaa ilmihii u horeeyay oo wiil ah dhashay iyada oo 50 jir ah, sida uu shaaciyay qof u shaqeeya.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuuna ku sheegay in gabadhan heesaaga ah iyo ninkeeda ganacsadaha ah ee heer Qadar oo la yidhaa Wissam Al Mana in ay dunida ku soo dhaweeyeen wiilkooda Eissa Al Mana.

Janet iyadoo caafimaad qabta ayay dhashay wayna nasanaysaa ayaa uu  sii raaciyay.

Shaki ku aadan in ay uur leedahay ayaa soo baxay bishii afraad ee sanadkii hore ka dib markii ay dib u dhigtay bandhig faneed.

Twitter-ka ayay soo dhigtay muuqaal wakhtigaas iyada oo sheegtay in sababta ay dib ugu dhigtay bandhiga in ay tahay is badal dagdag ah oo ku yimid.

 

Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in taageerayaashu noqdaan cidda u hor ogaanaysa baaqashadeeda.

Waxay sheegtay in ay rabto in ay diiradda saarto qorshaynta arrimaha qoyskeeda iyada hawshaas kala shaqaynaysa ninkeeda oo ay is guursadeen 2012-kii.

Jackson ayaa mar hore la arkay iyada oo London ka iibsanaysa alaabada muhiimka  u ah caruurta.

 

Leave a Reply