Boqol Maxbuus oo ka Baxsatay Xabsi ku yaalla Filibiin

0
319

In ka badan 100 maxaabiis ah ayaa ka fakatay xabsi ku yaalla dalka Filibiin.

Maxaabiista ayaa xabsiga dumiyay  shalay ka dibna way baxsadeen, sida maamulka ay sheegayaan.

Xabsiga ayaa ku yaallo magaalo lagu magacaabo Kidapawan.

Wararka hor dhaca ah waxay sheegayaan in xabsiga ay weerareen koox muslimiin ah oo dagaal kula jira dowladda.

Kooxda ayaa la sheegayaa inay dileen hal askeri iyo hal maxbuus, ka dib weerarkaasi oo lagu qaaday xabsiga Cotabato.

Askarta iyo booliska ayaa raadinaya maxaabiista baxsatay.

Magaalada Kidapawan waxay ku taallaa gobolka Mindanao, halkaas oo ay ka howlgalaan mucaaradka Muslimiinta ah.

 

Leave a Reply