Qiso: Wuxuu ILLAAHAY (SWT) Ka Baryay Gabadh Wanaagsan!

0
324

 

Markii uu muddo badan Allah (sw) ka barayay inuu siiyo gabadh wanaagsan oo uu guursado, ayuu markii danbe guursaday gabadh.   Muddo markii uu qabay ayay aad ugu xumaatay , muu niyad jabin laakiin haddana baryadiisa ayuu sii waday isagoo u adkaysanayay dhibteeda.

Isagoo weli xaaladaasi adag ku jira ayaa markii uu sanad qabay ka codsatay inuu iska furo, isaguna wuu ka  aqbalay , markii uu furay ayu dareemay culaysa ka degay.

Muddo yar ka dib wuxu haddana guursaday gabadh kale, waxay ahayd mid astaamihii uu Allah weydiistay oo dhan wada leh, iyadoo weliba intii Allah uu weydiistay ay ka sii badnaayeen sifaadka aya lahayd.

Markii uu arkay wanaageed ayu si fiican u xejistay oo uu dareemay in ducadii laga aqbalay iyo nimcada gabadha wanaagsan.  Waa xikmadah Allah (sw) , haddii aanu gabadhii hore soo arag may dhacdeen inuu dareemo wanaagga gabadhan danbe, waxay ahayd tababar Allah siiyay.

 

Weligaa ducada iyo beryadda Allaah ha ka quusan,  hana joojin.

 

Leave a Reply