Ra’iisul wasaaraha Isra’iil oo ku Baaqay in la Cafiyo Askari Dhaawac Dilay Falastiini

0
348

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa ku baaqay in la cafiyo askari lagu helay inuu u geystay dil falastiini dhaawac ahaa.

 

Maxkamad Milatari ee Isra’iil ayaa ku xukuntay Sarjin Elor Azaria dil aan loogu tala galin, kadib markii filin laga duubay isagoo xabadaynaya nin reer Falastiin ah oo dhaawac ah.

Abdul Fatah al-Sharif ayaa ku lug lahaa mindiyeen askari kale. Sergeant Azaria ayaa sheegay inuu aaminsanaa ninka dhaawacan inuu qarxiyo suunkiisa, laakiin dacwad oogaha ayaa sheegay toogashada ninka inay ahayd aargudasho.

Dacwadan ayaa kala qaybisay dadka reer Isra’iil. Waxaa jira mudaaharaadyo lagu taageerayo askariga, laakiin taliyayaasha milatariga ayaa sheegay inuu askariga jabiyay sharciga milatariga.

 

Leave a Reply