Boqorkii Heriย ย wakhtigii u xukumiย jiray “Syracuse”,ย oo wakhtigan Talyaaniga ah ayaa dahab badan u geeyay nin hawlaha boqorka qaban jiray.ย Waxaanuย ka dalbaday inuu taaj weyn oo qurux badan uga sameeyo.
Laakiin markii uu u keenay Taajka boqorka, waxaaย shaki ku dhacay boqorka isagoo ka shakiyay in aanu Taajkani wada ahayn Dahabkii uu u geeyay ee qaybo lacag ahi ku jiraan, taasina waxayna keentay muran.
Aqoonyahankii wakhtigooda ayaa ahaa faylasuufka Archimedes,ย waxaanu raadiyay inuu arrintan cadeeyo.ย Maalmoย badan ayaa arrinkaasi socday. Laakiin maalin isagoo Archimedes ku maydhanaya xamaamada caamka ee dadka ka dhexeeya ee magaalada Syracuse ayuu aad ugu fiirsaday cadaadiska biyaha xagga sare kaga imanaya ee uu ku maydhanyay.
Isagoo aan is gayn oo aan dharkii xidhan ayuu magaalada dhex maray wuxuuna ku qaylinayay โUrikaโ Urikaโ oo ah waan helay.ย ย Muxu helay?
Markiiba wuxuuย codsaday in loo keeno Taajka, qiyaas macdan iyo lacag ah oo isaga la miisaan ah iyo biyo. Saddexda ayuu mid kasta mar geliyay weelka biyuhu ku jiraan, kadib-na biyihi ayuu miisaamayย marka uu ka soo saaro.
Waxa halkaasi uga soo baxay in qiyaastaย biyaha ku jira ay ka weyn tahay xadiga dahabka uu ka samaysan yahay Taajku, kana yar tahay xadiga lacagta.
Waxaana cadaatay in Taajku aanu ahayn dahab saafi ah iyo lacag saafi midna,ย laakiin uu isugu jiro dahab iyo lacag. Taasi oo ah sidii boqorkuba shakiga ka qabay.
Halkaasi ayuu ku qirtay ninkii inuu khiyaamo sameeyay. Waxaana arritan laย yidhaahdaaย masaladii cilmiga ahayd ee tuugada fashilisay.
Faylasuufkani wuxuu ahaa Archimedes,ย wuxuu ku dhashay magaalada, “Syracuse”,ย aabihii wuxuuย ahaaย mid aqoonta xidigiska aad u yaqaana (astronomer).






















