Guddiga Gurmadka Abaaraha Togdheer oo Kala Diray Raashin Loogu Talogalay Dadka Abaareysan

0
305

Burco (Dawan)- Guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Togdheer, ayaa shalay magaaladda Burco ka kala diray gaadiid siday raashin loogu talo-galay 3000 qoys oo ku nool degaamadda dhinaca waqooyi ee gobolkaasi oo ka mid ah dadka ay abaartu saamaysay.

 

Raashinkaasi oo ay soo bixiyeen guddiga gurmadka abaaraha qaranka Somaliland, ayaa isugu jira Daqiiq, Saliid, Timir, Buskud, Bariis iyo Caanno, kaasi oo la gaadhsiin doono degaamadda  Qoryaale, Geba-gebo, Fiqi-ayuub, Kal-barre, Qoyta iyo Waraabeeye.

 

 

Goobtii raashinkaasi laga kala dirayay waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka togolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maxamed Diiriye Xayd, guddoomiyaha gudiga abaaraha gobolka Togdheer ahna badhasaab ku xigeenka gobolkaasi iyo sheekh Yuusuf Maxamuud Diiriye, oo ka mid ah gudiga abaaraha gobolka Togdheer.

Waxaanay masuuliyiintii halkaasi ka hadlay bulshadda gobolka Togdheer iyo guud ahaanba Somaliland ugu baaqeen in aanay ka daalin tabarucaadka la gaadhsiinayo dadka jilicsan ee ay naafaysay abaarta haleeshay.

 

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (ramaax), oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatadda gobolka in ay si weyn uga qayb qaataan gurmadka lagu samato-bixinayo dadka abaartu hayso, isagoo xusay in ay aad u yar tahay waxa ay bixiyaan ganacsatadu.

 

Gudoomiye Ramaax, oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaan munaasibadan kaga faa’iidaysanayaa in aan baaq u diro dadweynaha reer Burco gaar ahaan ganacsatadda in ay is xil-qaamaan, waayo wax bixintoodu way yar tahay, baahidiina way badan tahay. Waxa dadka jeebkooda ka soo baxayaana aad iyo aad ayay runtii u yar yihiin, haddii ay tahay qureb joog iyo haddi ay qol-qol joog tahay-ba, gaar ahaana ganacsatadda reer Burco waxaa looga baahan yahay is-xil qaam dheeraad ah.

Waxaana looga baahan yahay dadweynaha reer Burco in ay guri guri wax u soo bixiyaan, qof waliba qoys ayuu kafaalo qaadi karayaa, waxaana loo baahan yahay in aynu bilawno raashinkii guryaha laga soo qaadayay, Galaanku dadka abaaraysan wax buu u tarayaa, halka dollar ee lacag ah wax buu u tarayaa, kunka shilling wax buu u tarayaa, wixii la isku geeyo ayuunbaa runtii wax taraya, markaa waxaa loo baahan yahay in aynu xoogeena midayno, oo dadku ay gacan weyn ka gaystaan gurmadka abaaraha ayaan soo jeedinayaa”.

 

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (ramaax), waxa uu sheegay in ay joojiyeen in warbaahinta laga sii daayo lacagaha ay dadka qurbe joogta ahi soo diraan, maadaama oo sida uu xusay qof kastoo lacag ka soo dira dibadda uu doonayo in warbaahinta laga baahiyo.

 

“Waxaan u sheegayaa dadka dibadaha ka soo dira lacagaha, haddii qofku $1000 dollar soo dirro, TV-ga aan ka arko ayuu leeyahay, taasi-na way na anfici wayday, waxaasina waanu joojinay, iyo tuulo walba in warbaahinta lagu darro, iyad-na way na anfici wayday, oo waanu joojinay” ayuu yidhi guddoomiye Ramaax.

 

 

Guddoomiyaha gudiga abaaraha gobolka Togdheer  Maxamed Diiriye Xayd, ayaa faah-faahin ka bixyay raashinkaasi iyo degaamadda loogu tallo-galay. Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) halkan ka kala diraynaa raashin aanu u wadno degaamadda gobolka Togdheer, gaar ahaan Qoryaale, Geba-gebo, Fili-ayuub, Kal-bare, Qoyta iyo Waraabeeye, iyo tuulooyin Burco u dhaw dhaw ayaanu u diraynaa.

Raashinkaasi waxa uu isugu jiraa Daqiiq, Saliid, Timir, Buskud, Bariis iyo Caanno. Raashinkaasi oo gaadhaya ilaa 3000 qoys”.

 

Waxaanu intaasi ku daray “Dadka waxaanu u sheegaynaa raashinkani ma wada gaadhi karro, waxaana loo baahan yahay in tuulo waliba inta ugu jilicsan ama ugu liidata, ay isku dhaafiyaan wax, haddii ay biyo tahay iyo haddii ay baad tahay-ba”ayuu yidhi Maxamed Diiriye Xayd.

sheekh Yuusuf Maxamuud Diiriye, oo ka mid ah gudiga abaaraha gobolka Togdheer, oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Raashinkani waxa uu ku socdaa degmooyinka gobolka Togdheer qaar ka mid ah, khaasatan degmooyinka woqooyiga, Waraabeeye, Qoryaale,  Geba-gebo, Fiqi-ayuub, Kal-bare iyo Qoytaiyo meelaha ay  Burco xukunto qaybo ka mid ah. Raashinku waa raashin kooban, waa wixii la helay, waxaana loogu tallo-galay 3000 qoys in uu gaadho raashinkani”.

Geesta kale sheekh Yuusuf Maxamuud Diiriye, in guud ahaanba cid kastoo wax tari karta dadka jilicsan ee ay haleeshay abaartu in wax lala soo gaadho. “Waxaananu ku baaqaynaa ummadu aad iyo aad ayay u jilicsan tahay, in cid kastoo wax tari kartaaba ay u soo gurmato.

Raashinkani waxaa soo dhiibay gudiga abaaraha qaranka, anagu-na haddii aanu nahay gudigii abaaraha ee gobolka Togdheer wixii aanu ku dari karaynay, waanu ku darnay, oo waanu sii yarro xoojinay”ayuu yidhi sheekh Yuusuf oo ka mid ah gudiga abaaraha Togdheer.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply