“WADDANI Waxaan Leeyahay Haddii la Idinka Guulaysto Yaanay Ciddi Xamar Idinka Tagin” Jaamac Xaaji Axmed

0
268

Burco (Dawan)- Siyaasi Jaamac Xaaji Axmed oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga  KULMIYE,  ayaa sheegay in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  uu quus ka joogo loolan iyo tartaran uu la galo Xisbiga talada haya,  ka dib markii uu  bulshada taageero ka waayay, taa bedelkeedana uu xisbigaas mucaaridka ahi  ku mashquulay kulamo uu la qaatay madaxda Soomaaliya si loo soo celiyo midowgii la eeday.

 

Jaamac Xaaji Axmed, waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad ay magaalada Burco shalay ugu sameeyeen taageereyaal ka soo baxay xisbiga WADDANI oo taageeradooda ula soo hiloobay xisbul-xaakimka KULMIYE,  “Reer WADDANI markii ay arkeen mawjadihiinna  dadka ahaa ee todobaadyadii hore ka socday Boorama iyo Saaxil ayey quusteen runtii , quustii waa taa geyaysiisay  in ay Nairobi tagaan oo ay la kulmaan madaxda dawladda Soomaaliya, iyagoo ka rejo dhigay in ay  tartamaan,”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray;  “Xisbi baa tihiin curdin ah, soo barbaara ayaanu idin leenahay haddii aad kuftaan waanu idin gacan qabanaynaa, waayo KULMIYE  waa Xisbi waayeel ah oo waxa uu  siddeetan cod kaga tanaasulay doorashaddii 2003-tii, isaga oo  lexjeclo ka qaba  dadkiisa iyo dalkiisa, waxa WADDANI  looga werwersan yahay  in uu Soomaaliya u hanqal taago.”

 

“Doorashadii way dhowdahay, waa aynu tartamaynaa, wax yar baa ka hadhay, cidi yaaney Xamar idinka qaban marka doorashadu dhacdo  oo yaan la arkin cid Xamar  idinkaga sii socoto,”ayuu siyaasigaasi reer Burco ku dooday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply