Xikmadaha Maanta

0
401

“Ceebta bani’aadamku waa in ay ammaan jecel yihiin, qof kastana ammaanaan, sidaa awgeed qofka khaldama dhakhso ayuu u illaabaa khaladkiisa”.

“Mar kasta oo ay gabadhu bulshada ku dhex yeelato sharaf iyo soo dhaweyn, waxa ay muujinaysaa wanaagga iyo karaamada odaygeeda. Gabadh waxa ugu weyn ee kor u qaaddaana waa dhowrsanaanteeda”.

“Dhibaatooyinka nolosha ee aadamaha soo food saara kuwooda ugu badani waxa ay ku yimaaddaan, iyagoo oo ku degdega erayga ah Haa ama Maya iska jir labadaasi eray degdegooda”.

“Haddii dadka qof kasta uu ka hadlayo waxa uu garanayo oo kaliya, meel ka dhacu wuu joogsan lahaa”.

“Cilmi yar oo anshax iyo akhlaaq leh ayaa ka wanaagsan aqoon badan oo dhaqan xun iyo edeb darro hagayso”.

“Baahida dhabta ah ee aadamuhu way yar tahay, laakiin waxa ku dhacay xanuun maskaxda ah oo u sheegaya baahi aan dhamaanayn”.

Leave a Reply