Bulshada dalka Giriiga ayaa weli aaminsan caado yaab leh oo ay sameeyaan wakhtiyada aroosyada iyo munaasibadaha kala duwan ee caamka ah.
Caadadan ayaa ah inay dadkaasi bur-buriyaan weelka iyo suxuunta wax lagu cuno,ย iyagoo u bur-burinaya sidii qof waalan oo kale wakhtiyada xafladaha.
Waxaanayย bur-burintaasiย ka dhacdaa xataa huteelada xafladaha lagu qabto iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Huteelada xafladaha lagu qabto ayaa iyagu ugu talo gala bur-burintaย kadib marka la dhergo.
Kooxaha cilmi nafsigaย aya sheegay in caadadani ay door weyn ku leedahay inay debciso wer-werka ka dhasha shaqooyinka. Waxa kale oo ay sheegeen inay cadaadani ka soo jeedo dhaxalkii Girigiigiiย hore.
Kuwaasiย oo iyagu aaminsanaa haddii wakhtiga xafladaha iyo aroosyada weelka la jebjebiyo ay keenayso nasiib wanaagsan isla markaa ay ka fogaynaysoย Jimanka iyo sharkooda.
Waxa kale oo ay aaminsanaayeen inay tahay farxad iyo nolol wanaagsan , dadka daynta lagu leeyahay ayaa iyag-na sidan sameeya iyagoo aaminsan inay awoodayaan inay iska bixiyaan daymahaasi.
Caadadan ayaaย laga isticmaalaaย Giriiga ilaa wakhtigan la joogo.ย Inkastooย dawladu soo saartay sharci lagu joojinayoย sanadkii 1969-kii,ย hadda-na aaminaadan ayaa ka xoog badatay sharcigaasi.
Taasiย oo keentay in dawladda laftigeedu ruqsado u siiso huteelada in lagu samayn karo cadaadan waalida ah ee gabowday.























