Abwaannada Dalka oo Baaq u Diray Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, Kana Hadlay Xaaladda Abaarta

0
295

Hargeysa (Dawan):  Qaar ka mid ah  abwaannada  ugu caansan dalka Jamhuuriyadda Somaliland,    ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada abaareed iyo siyaasadeed ee dalka.Waxaanay    sheegeen in ay ceeb iyo fool-xumo ku tahay xisbiyada inay soo qaadan in xiligan la soo hadal qaado in doorasho ay dalka ka qabsoonto, maadaama oo ay abaar aad u daran ay taagan tahay.

Sidoo kale abwaannadu   waxay baaq u direen hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasada oo ay u soo jeediyeen inay dadkooda,kana  feejignaadaan  wax kastoo   ummadda  kala fogaynaya, iyagoo tilmaaamay in xisbi walba wixii uu doonayo in uu ummadan ku hogaamiyo uu horkeeno isagoo xor ah.

Abwaannadan oo kala ahaa Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay), Cabdi Aadan Xaad (C/qays), Maxamed Aadan Dacar,  Aadan Tarabi  Jaamac iyo fanaanka Cumar Xasan Rooraaye.

Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadlay abwaanka weyn ee Xasan Xaaji Cabdilaahi   (Xasan Ganay),  ayaa  masuuliyiinta saddexda xisbi qaran  u soo jeediyay in ay la yimaadan wax dadka u cuntami kara oo lagu doorto.Waxaanu  yidhi “Waar dalku wuu innaga dhaxeeya, diintu-na way inaga dhaxaysaa, dadku-na way inaga dhexeeyaan. Markaa   xisbi waliba waxaa uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo isagoo xor iyo xalaal ah  ha horkeeno oo ummadd cunaha u mari kara, waa inuu han  iyo himilo dheer yeesha oo uu la yimaadaa wax uu dadka ku soo jiito. Lama  taagna maanta mala malayntii  Geel jiraha dadkeenina saddex  Gu iyo saddex  Jiilaal ayaa abaar la isugu bixiyay, sixir-barar baa jira,  barbaarteeniibaa Badda ku dhamaatay, gurmad iyo gar-gaar ayay u baahan yihiin ee uma baahna in la isku dhidhiyo. Saddexdii-na  xisbi ninkii ummadan wax ka doonayoow si wanaagsan wax uga doono, sidan ay maanta u socoto waxna lagu heli maayo lagu-na hanan maayo.”

Sidoo kale abwaan Xasan Ganay waxaa uu fariin u diray odayaasha dhaqanka ee Somaliland isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalada ay  mudooyinkan danbe  warbaahinta marinayaan. “Ninka ummadda aanu u diranoow ee hore aanu ugu dhiibanoow,  ee sulaadiintu ka koow yihiinoow,  waxaa  cumaamadda la idiin saaray, ee caanaha la idiinku shubay in aad ummadda ka turjuntaan,  oo aad noloshooda macnaysaan   ee ma aha in aad xafiisyada aad ku gashaan.Ma  gayno in maalinba todoba oday  inta  ay  soo fadhiistaan ay yidhaahan anaga ayaa reer hebel ah” ayuu yidhi abwaan Xasan Geney.

Isagoo  hadalkiisa sii watay-na  waxa  uu yidhi “Haddii golaha wasiirrada la yidhaahdo  madaxweynihii ayaa baxaya toban baa garab yaacaya, dhagax Kiiloo le’eg ayay afarta  gacmood isugu  gaynayaan, wuu soo gelayaa  waad hor carareysaan.Waar  waxaasi iska daaya, oo  xafiisyadii-na taga oo umadii-na u shaqeeya oo umadii-na metela dantu-na sidan inoogu dhali mayso, dadka aynu hoos u eegno, dalka aynu hoos u eegno”.

 

Sidoo kale abwaan Aadan Tarabi  Jaamac,   oo isna goobtaas ka hadlay  ayaa masuuliyiinta xisbiyada  u soo jeediyay hadal duur-xul ah  kuna aadan doorashada la doonayo in la qabto.waxaanu  yidhi “Waxaan idin leeyahay  wiil iyo gabadh ayaa diiday inay abaartii is guursadaan,  inagu-na abaartii ayaynu madaxweyne-nimo doonaynaa? labaadaasi qof-na way ka xishoodeen inay abaartii is guursadaan oo barwaaqaday ku balameen, waar ILAAHIINA   ka yaaba oo maanta rogmad baa taagan,    dad baa  haraad u dhintay, oo waad og tihiin ee fadhiga ka kaca,  Geella  duqdiisu durduriso aarankiisa-na maxaad u maleyn.

Waar  marka nimankiinii  madaxtinimada doonayay aad isu tirisaan dadka idinka hooseeya-na maxay iyagu-na   samaynayaan, dhibaatadu halkaasi ka bilaabmayn. Waxaanu  nahay wax culus oo  fudayd loo haysto.   Markaa  hantadaadda  joojiyo, oo  dadkiina u naxariista, salaadiinta iyo dawlada-na maanta salaadiinta ayaa badan”.

 

Geesta kale  abwaan Maxamed Aadan Dacar,  oo isna halkaasi ka hadlay   ayaa  yidhi “Waar ILLAAHAY  ka yaaba,  dadku-na waa dad wanaagsan oo shaqaystay  waxaa lacag socota dadkaa shaqaystay oo cidi waxba umay keenin.

 

Abaartaasi-na inkaartiina ayay ka dhasheen toobad keena,  tu kale oo tan ka weyn ha inoo keenina oo  ILAAHAY  ka yaaba.”

Abwaan Muuse Cali Faruur, ayaa isna xaaladda abaareed ee dalka ka taagan ku tilmaamay in ay tahay wax aan hore lo arag, waxaanu  yidhi “Abaarta dhacday waxaa la yidhaahdaa is-bara  oo wax weli wadanka hore uga dhacay ma aha.  Dadkii-na heshiis ka dhex dhalisay oo markii la isku soo guuray la is dhunkanayo. Markaa  ninka maanta yidhaahda doorasho ayaan doonayaa,  ha ogaado inuu qaatay shaanbad aan weligeed ka hadhaynin”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply