Madaxweyne Museveni oo Inankiisa u Dallacsiiyay la taliyaha Gaarka ah

0
276

Hoggaamiyaha Uganda   Yoweri Museveni ayaa u dallacsiiyay inanka ugu weyn carruurtiisa inuu ahaado taliyaha gaarka ah ee madaxtooyada kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay ciidamada.

 

Sarreeye gaas  Muhoozi Kainerugaba ayaa u  soo dallacayay si degdeg ah milateriga gudihiisa, waxaanay arrintani  sii kordhisay tuhunkii laga qabay in loo diyarinayo inuu maalin uun madaxweyne noqdo.

Dadka wax odorosa ayaa sheegaya in doorkiisan cusub ee sida dhaw uu  ula shaqeynayo madaxtooyadu uu sii ballaadhinayo waayo aragnimadiisa.

Mr Museveni,oo  72 jir ahi waxa uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha Afrika ugu waqtiga dheer.

Waxa uu xukunka qabsaday sannadkii  1986 kadib markii uu ku soo jirey dagaal jabhadeyn ah muddo shan sano ah- Waxaanu sannadkii tegay markii shanaad ku guuleystay xafiiska isaga oo helay 60% codadkii la dhiibtay.

Wiilkiisa janeral Kainerugaba oo , 42 jir ah waxa uu masuul ka soo ahaa ciidamada gaarka u ah amniga aabihii tan iyo sannadkii , 2008.

Waxa uu ka soo qalinjebiyay kulliyadda milateriga Sandhurst  ee UK sannadkii  2000.

Isaga oo si dhqso ah u soo dallacayay ayaa waxa u sannadkii hore ka dallacay sarreeye guuto waxaana laga dhigay  sarreeye gaas.

Leave a Reply