Cabdilaahi Geeljire oo ka Hadlay Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada iyo Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda

0
285

Hargeysa(Dawan)-  Siyaasi Cabdilaahi  Jaamac Cismaan  (Geeljire) oo xubin ka ah Guddiga Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa ka hadlay qabsoomidda Doorashada Madaxooyada oo xilligeeda ku qabsoonta iyo mawqoifka ay ka xisbi KULMIYE,ahaan ka taagan yihiin.

 

Waxaanu intaa ku daray in Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE loo dirtay in ay dalka ka qabtaan doorsasho wakhtigeeda ku qabsoonta taasna  ay diyaar u yihiin isla markaana ay filayeen in lagu hambalyeeyo laakiin aanay gayin in lagu cambaareeyo ama lagu ceebsado haddii ay xilkoodii ka soo bexeen.

 

Cabdilaahi Geeljire oo hore Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga soo qabtay xilalka Wasiirka Warfaafinta iyo Kalluumaysiga haddana ka tirsan Guddida aqoonsi raadinta Somaliland oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay jirto muddo kordhin loo samaynayo Xukuumadda talada haysa, wuxuu yidhi, “Ma  maqal muddo kordhin loo samaynayo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. laakiin dooda socotay waxay ahayd doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii ma ku qabsoomaysaa? mise kuma qabsoomayso. markaa haddii ay ku dhacdo wakhtigeedii oo ah tii aynu ku ballanay waa Al-xamdu lillaah,haddii qaranku isla  garto oo duruufaha taagan uu eego oo illaa Madaxweyne iyo asxaab iyo ummadda oo dhammi ay isla gartaanna wixii dad isku ogyahay ma qadhmuuna ayaa la yidhiye dee waa Rabilcaalamiin,laakiin hadal hayn taagan oo Madaxweynaha loogu kordhinayo mana maqal mana jirto.”

 

Cabdilaahi Geeljire oo hadalkiisa  sii watay wuxuu yidhi, “Horta anigu Xisbiga KULMIYE,ayaan ahay Xukuumaddana ka mid baan ahay mawqif baanu ka leenahay madaxdayaduna way sheegeen waayo xilka na saarani waxa weeye waddanka doorasho u diyaariya ayaa nala yidhi wakhtina waa naloo qabtay  kii ayuun baanu nidhi diyaar baanu nahay markaanu mawqifkaa sheegnay in  nalagu ceebsado maaha ee in naloogu mahad naqo weeye.”

 

“Haddii ay duruufo soo kordheen oo ay abaaro jiraan o aanu qirsanahay  xaaladda lagu jiro iyo in ay cid walba taabteen oo ay qoys walba halkiisa ugu yimaadeen, ka  aanay  u iman-na dadkiisa ayuu u damqanayaa Somaliland qof qudha ayaynu wada nahay, jidh qudha ayaynu nahay oo isu damqanaya. kaasina dadkiisa kale ayuu u damqanayaa.

Haddii duruuftaasi timi waxa keliya ee aynu u baahanahay waa in aynaan siyaasadeyn abaaraha oo aynaan ka dhex doonin faa’iido siyaasi ah. Annaga (KULMIYE) kama doonayno noogumana jirto faa’iido siyaasi ahi abaaraha jira cid kalena ku tuhmi mayno laakiin waxaannu leenahay yaanay soo bixin taasi.  waxaanan leenahay waar dadkeenna iyo dalkeenana aan u gurmano doorashadiina wakhtigii aad nagu tdhaahdeen qabta waa naga diyaar oo diyaar ayaanu u nahay haddii qaranku wax kale ku heshiiyana kama xumin oo diyaar ayaanu u nahay,” Ayuu yidhi Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo shalay u warramayay Bulsho TV.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply