Doonni Xoolo ka Qaadday Dekadda Berbera oo ku Degtay Xeebta Cumaan

0
434

Berbera(Dawan)- Dooni siday 593 neef oo ah  Dibi oo ka shiraaqatay marsada Berbera, una sii jeeday Dekadda Salaala  ee dalka Cumaan, ayaa  ku degtay meel u dhow xeebta wadanka  Cumaan, sida uu xaqiijiyay wakiilka doonidaas oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan  Cali Warsame.

 

Doonidan oo  la odhan jiray Al-Ahmediya, waxay saddex maalmood ka hor ka ambo-baxday dekadda Berbera, waxaanay u siday shixnad xoolo ah oo ay lahaayeen Ganacsato reer Somaliland ahi.

 

Wakiilka doontaas, ayaa BBC-da u sheegay in shalay subax lagu  soo  wargeliyay in doonida iyo xoolihii ay sidayba  degeen.

Cabdiraxmaan Cali, waxa uu tilmaamay tobaneeye shaqaalihii doonta ahaa oo dhammaantoodba u dhashay dalka Hindiya in la badbaadiyay markii doonyo ganacsi  u soo gurmadeen.

 

Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta doonidu u degtay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dabaylo xoog badan oo badda ka dhacayay ay qarqiyeen doonida. Halka tibaaxo kalena ay weriyeen  in doonida gudaheeda dab ka kacay, hase ahaatee  wali lama  xaqiijin karin sababta rasmiga ah ee  khasaarahaas dhaliyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply