Madaxweyne Ku-xigeenka oo Goleyaasha Degaanka Faray Inay ka soo Baxaan Waajibaadkii Loo Dooratay

0
253

Hargeysa(Dawan)- Madaxweyne   ku  xigeenka   Jamhuuriyada   Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil    (Saylici), ayaa u soo jeediyay golayaasha deegaannada goballada  iyo degmooyinka dalka in si caddaalad ah  ugu adeegaan dadweynaha soo doortay.

 

Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu sidaas ku sheegay    mar uu shalay   ka   warbixinayay    kulan   uu la yeeshay Golaha Degaanka ee magaalada Hargeysa, waxaannu ku booriyay inay  ka baxaan siyaasadda iyo qabyaaladda oo ay adeegyada ay bulshada u hayaan ka soo baxaan.

 

“Waxa muuqata in isbedal wayn uu ku sameeyay Golaha deegaanka Hargeysa, mashruuca maamul daadejinta ee  JPLG awoodoodii xaga dhaqaale kobcinta,toban sanno ka hor dakhligeedu intii uu ahaan jiray, maanta wuu shan jeer laabmay. Waxa  keenay awooda dawladaha hoose oo la dhisay iyo aqoonta oo  kor loo qaaday.markaa xil wayn oo   culus  ayaa saaran   golayaasha deegaanada oo loo doortay in hawsha halkaa ka wadaan weeye,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi,“Waxaan    ku dardaarayaa dhammaan golayaasha degaanada dalka, sidii  degmooyinka iyo magaalooyinka  bilicdooda u hagaajin lahaayeen oo ay ka baxaan siyaasadda iyo qabyaalada iyo isdaba eryadka oo xilkooda ka soo baxaan ayaan kula dardaarmayaa. Waa in maayarrada  iyo xoghayeyaasha dawladaha hoose shaqooyinka ay hayaana si siman oo caddaalad ah umadda ugu shaqeeyaan,khayraadka ay gacanta ku hayaana umadda u xaqsooraan  haddii ay shaqaale tahay   iyo haddii ay tahay qandaraasyo waxa looga baahan yahay  in caddaalad ugu xaqsooraan shacabka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply