Dadweyne Mudaharaad Kaga soo Hor-jeedsaday Taawar Cusub oo TELESOM ka Taagayso Xaafad ku Taalla Hargeysa

0
269

Hargeysa (Dawan)- Dadweynaha xaafada Gol-jano ee degmada 26-ka June ee caasimadda Hargeysa, ayaa laba jeer subaxnimadii Khamiistii iyo habeen hore ka mudaharaaday Taawar (Bir dheer) oo isgaadhsiineed oo shirkadda TELESOM ka taagayso  xaafadaas oo bulshadu ku badan tahay.

Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa baloodh dhul ah ka iibsatay xaafada Gol-jano dhexdeeda, waxaanay doonaysaa inay ka taagto Taawar dheer. Iyadoo  dadweynaha ku dhaqan xaafadaasina walaac ka muujiyeen halista caafimaad darro ee shucaaca taawarku ku keenayso bulsho-weynta ku dhaqan agagaarka goobta laga qotinayo.

Dadweyne u badan dhallinyaro iyo haween, ayaa subaxnimadii Khamiistii xaafada Gol-jano ka dhigay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan in xaafadooda lagu soo kordhiyo taawar cusub oo isgaadhsiineed, iyadoo ay horeba xaafada ugu yaaleen taawaro shirkadaha isgaadhsiintu leeyihiin oo dadweynuhu ka cawdaan.

Mudaharaadeyaashu waxay shiid hadhka kaga dhigeen shaqaale dhisayay goobta laga taagayo taawarkan, waxaanay ku guulaysteen inay muddo joojiyaan dhisme guri iyo taawar shirkada TELESOM ka dhisayso halkaasi. Inkasta oo dhismahaasi socdo oo boolisku ilaalinayaan.

Waxa kaloo  habeen hore dhallinyarada iyo bulshada xaafadaasi ay sameeyeen mudaharaad labaad oo ay kaga gadoodeen dhismaha taawarkan, waxaanay qadar kala xidheen isku-socodka dadka iyo gaadiidka mara waddooyinka xaafada.

Ismaaciil Axmed oo  ka mid ahaa dadka xaafadaas, ayaa shalay weriyeyaal ka tirsan  wargeyska Dawan, u sheegay in shacabka  reer Gol-jano ay isku raacsan yihiin talaabada ay kaga gilgisheen taawarkan cusub, waxaannu yidhi; “Dhallinyaro kaliya maahee, shacabka iyo qoysaska xaafada oo dhammi way isku raacsan yihiin in laga hortago inaan taawar dambe oo caafimaad darro laga qaado nalooga taagin guryaha dhexdooda. Waxa hore u jiray taawaro dadku ka cawdaan oo qoysas dhawr ahi guryo kiro ah ku jiray uga guureen.”

“Waxa  shacbigu diidan yihiin  shucaaca iyo RF-ta ay xambaarsan yihiin birahan bulshada dhexdeeda laga taagayo. Waxaannu xukuumadda dhexe iyo dawladda hooseba u soo jeedinaynaa inay birtan naga qaado oo aan laga dhisin xaafada,” ayuu ku dooday oday Ismaaciil Axmed.

Sida ay ku soo warameen wariyeyaasha Dawan, oo tagay goobtan,  waxay  shalay galab ku soo arkeen in ciidan la geeyay meesha laga taagayo birta, iyadoo dhallinyarada xaafada oo abaabulanina ay fadhiyeen meelo aan sidaas uga sii fogeyn, kuwaasi oo noo sheegay inay taawarka ay la bixi doonaan haddii aan laga qaadin xaafadaha dhexdooda. Xalayna waxa rasaas laga maqlayay xaafadda, iyadoo sida dadka xaafadaasi  ay sheegeen inuu jiray hawlgal boolisku ka fulinayeen xaafadda.

Shirkadaha isgaadhsiinta ayaa xaafadaha dhexdeeda ka taaga taawaro kala duwan oo bulshadu xilliyadan dambe  si isa soo taraysa ay ugu baraarugeen halista ay u leeyihiin bedqabka caafimaadkooda gaar ahaan haweenka uurka leh, caruurta yaryar iyo dadka duqeyda ah.

Xukuumadda Somaliland iyo shirkada TELESOM, illaa imika  kamay hadal dhacdadan ay shacbiga xaafada Gol-jano ay kaga soo horjeedsadeen taawarkan shirkada TELESOM ka dhisanayso xaafadaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply