Cabdilaahi Jawaan oo Komishanka ku Dhaliilay Go’aan Qaadasho La’aan

0
269

Hargeysa(Dawan)- La-taliyaha Madaxweynaha Somalilad  ee Arrimaha Doorashooyinka, Mudane Cabdillaahi  Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa Komishanka doorashooyinka Somaliland ku dhaliilay go’aan jileec iyo in ay ka gaabiyeen waajibaadkii loo igmaday.

Cabdillaahi Jawaan waxa uu Komishanka doorashooyinka u soo jeediyay in ay qaataan go’aan adag oo ku salaysan caddaalad.  Waxa kaloo uu  talo u soo jeediyey saddexda xisbi qaran ee  ku tartamaya doorashada Madaxtooyada Somaliland ee lagu waday inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha March ee fooda innagu soo haysa.

“Hawlo doorasho marka laga hadlayo,  waxa iska leh Koomishanka doorashooyinka qaranka, markaa waxaan kula taliyanayaa saddexda xisbi qaran in ay ogaadaan in  hawshan ay leeyihiin oo loo igmaday loona dhaariyey toddobada xubnood ee komishanka doorashoyinka.

 

Komishanka waxaan leeyahay xilkaa idinkaa leh, waxaa laydinka rabaa in aad go’aan adag oo ku saylaysan caddaalad aad qadaataan oo dhiiranaan muujiya, waxaa weeye haddii ummada doorashadu ku xumaato, waa qof maskaxdu ka xumaatay oo kale intaas haddii aad ku shaqaysaan Illaahay wuu idinku garab gelayaa, waanad guulaysaynsaan,”ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan oo shalay u warramay BulshoTV.

 

 

La-taliyahu waxa kaloo  uu  komishanka doorashooyinka  u soo jeediyey in aaney ku dhex milmin Asxaabta tartamaysa, isla markaana ay joojiyan saddexda Xisbi qaran ee ka soo talo bixinaya go’aanka doorasho,waxaannu yidhi, “Waxaan maqlayey saddexda xisbi ha ka soo talo bixiyaan doorashada. waxaan leeyahay ka daaya saddexda xisbi go’aanka ma laha ee waxa iska leh guddida doorashada, guddida doorashada laba mid baa looga baahan yahay oo aan calool nugayl lahayn oo kal ah,  doorashadii waanu qabanaynaa oo sidaas ayaanu u qabanaynaa iyo doorashadda qaban kari mayno oo caqabaddaas ayaa naga hortaagan. waxaan leeyahay labadaa qoddob mid gooya, haddiise ay labac labac timaado ama lagu sii daayo rag tartamaya waxa ay la mid tahay laba koxood oo kubad ciyaaraya  adiga oo yidhaahda natiijada go’aanka idinku gaadha.”

 

 

Cabdilaahi Jawaan waxa uu sheegay in aanu maanta dalku u baahnayn muran siyaasadeed iyo isku tuurtuur doorasho, waxaannu yidhi, “Waxaynu nahay dal yar oo soo koraya oo abaari hayso, markaa maanta uma baahinin muran, iyo wax isku tuurturno, waxaan leeyahay go’aan gaadha oo u gudbiya Madaxweynaha, goleyaasha sharci-dejinta  iyo xisbiyada.”

 

Leave a Reply