Tuulo Dadkeedu Wada Qani Yihiin!

0
528

Tuulada Huaxi ee dalka China ayaa noqotay tuulada dadka ku nooli ay taajirin yihiin. Tuuladan waxa ku nool dad gaadhaya 2000 qof , laakiin qofย  kasta celcelis ahaan waxa baanka u yaalla lacag dhan $ 143000 doller.

Dadka tuuladan usoo guura ayay maamulayaasha magaaladani siiyaanย  guri weyn oo aad u qurux badan oo cusub iyo gaadhi. Laakiin qofkaasi iskaga noqdo tuulada waa laga celiyaa labadaba. Magaaladan yar oo ah dhul beereed xeeb ah oo aad u qurux badan ayaa dhaqaale ahaan saraysa.

Marinka tuuladan la galowย  waxa ku yaalla boodh weyn oo ay ku qoran tahay โ€œ Tuulada koowaad ee Samada Hoosteedaโ€ oo ah tuulada dunida ugu horaysa. Waxaana magacan u bixiyay maamulaayasha magaaladan.

Tuuladan ayaa caan noqotay sanadkii 2003 ka dib markii dhaman warbaahinta dunida iyo wargeysayda caanka ahi ay soo bandhigeen koritaankeeda dhaqaale oo gaadhay 14.5 billion oo doller sanadkii iyo dadka ku nool oo noqday kuwo qani ah oo aanay jirin deegaan dadka ku nooli ay sidan u wada taajireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here