Wasaaradda Macdanta iyo Ray Gas oo Kaalmo Geeyay Degaannada Xagal iyo Laasciidle

0
297

Berbera (Dawan)- Wasiirka  wasaaradda  Macdanta  iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda RAKGAS oo laga leeyahay isu-taga imaaraadka carabta, ayaa  shalay raashin iyo biyo caawimo ah u qaybiyay dadka abaartu hayso ee degaannada Laasciidle iyo Xagal oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Raashinkaasi taakulo  ah ee ay sida wada jirka ah u qabiyeen wasaaradda macdanta iyo shirkadda RAKGAS (Ras al Khaimah Gas) ayaa lagu tilmaamay mid  looga dan leeyahay maadaama oo ay shirkadda RAKGAS sahamin dhinaca shiidaalka ah dhawaan ka bilaabi doonto degaamadaasi in dadkaasi la caawiyo.

Waxaana caawimadaasi wada jir u qaybiyay wasiirka wasaaradda macdanta Eng. Xuseen Cabdi  Ducaale, masuuliyiin ka socday  gudida abaaraha ee gobolka Saaxil iyo odayaasha degaamadaas, iyadoo ay sidoo kale-na goob joog ka ahaayeen xubno ka socday shirkadda RAKGAS.Deeqdan la gaadhsiiyay bulshadda ku nool degaamadda Laasciidle iyo Xagal ayaa isugu jira  Bariis, Daqiiq, Saliid, Timir iyo biyo, iyadoo raashinkaasi loogu tallo-galay in la gaadhsiiyo 17 goobood ka mid ah degaamadaasi, sida ay sheegeen xubno ka mid ah gudiga abaaraha gobolka Saaxil.Sidoo kale odayaasha iyo dadweynihii raashinka iyo biyaha caawimadda ah loo qaybiyay ayaa soo dhaweeyay kaalmadda la soo gaadhsiiyay, waxaanay uga mahad celiyeen shirkadda RakGas iyo wasaarada macdanta iyo tamarta.

Eng.  Xuseen Cabdi Ducaale,  wasiirka  wasaarada macdanta iyo tamarta oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay gudida abaaraha ee gobolka Saaxil in ay si cadaalad ah ugu qaybiyaan dadweynaha degaamadaas kaalmadda lagu caawiyay.

Waxaanu tilmaamay wasiirku  in shirkadda shirkadda RakGas meelaha ay sahminta ka wado ay gaadhsiintoo deeqo raashin ah, Waxaanu yidhi,  “Shirkada RakGas waxay jeceshahay in meelaha ay wax ka qabanayso dadkii ku noolaa maadaama ay  baahan yihiin  in ay wax soo gaadhsiiso.  Waayo? dalka baahi badan ayaa ka jirta, laakiin  shirkad waliba meeshii  ay ka shaqaynaysay in ay wax soo gaadhsiiso waa muhiim. Waxaananu isla qaadanay shirkadda in ay wax ka qabato.”

“Waxaanu  ku adkaynayaa odayaasha magaalada  iyo gudida abaaraha in raashinkani  si cadaalad ah loo qaybiyo,  oo nidaaamkii wax lagu qaybin jiray la raaco, oo aad eegtaan reeraha degan magaalada iyo nawaa xigeeda. Waana  in aanu reer-na  qadin, khaasatan reeraha baahan oo loo eego sida loo kala baahi badan yahay”ayuu yidhi wasiirka macdantu.

Sidoo kale masuuliyiin ka socday shirkadda Rakgas oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in biyaha ay bixiyeen ay gaadhayaan 160 booyadood oo biyo ah, isla markaana raashinkana  loo qorsheeyay in la gaadhsiiyo in ka badan 1200 qoys.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply