Xukuumadda oo ka Hadashay Cabasho ka soo Yeedhay Dadka ku Shaqaysta Beeyadda iyo Fooxa

0
336

Ceerigaabo (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyga Somaliland  Jamhuuriyadda Somaliland, marwo Shukri Xaaji   Ismaaciil Baandare, ayaa ka hadashay  warar maalmihii  la soo dhaafay  soo baxay oo   sheegayay in wasaaradda degaanku soo saartay wareegto lagu joojinayo dhoofinta Fooxa iyo Beeyadda.

 

Kuwaasi oo   wasaaradda degaanka  ku eedeeyeen    qaar ka mid ah dadka ka shaqaysa  Fooxa iyo Xabkaha oo saxaafadda la hadlay  in wasaaradu ay wado qorshe ay ku doonayso in ganacsato gaar ah loo xidho dhoofinta  Xabkaha iyo Fooxa.Hase yeeshee Wasir Shukri Baandare, waxay sheegtay  in aanay waxba ka jirin arrintaasi, balse ay  ku dedaalayaan sidii loo ilaalin  lahaa daryeelka dhirta laga jafo  Beeyadda iyo Fooxa si aanay u dabar-gu’in.

 

Wasiirka oo  safar shaqo ku maraysa degaanno ka mid ah gobolka Sanaag, oo isla markaana  ay wehelinayaan masuuliyiin ka tirsan  wasaaradaasi  oo warbaahinta   kula hadashay  degmadda Ceel-Afweyn ayaa faah-faahin ka bixisay ujeeddada socdaalkeedda.

Waxa kaloo ay  sheegtay   socdaalkoodu uu la xidhiidho   xog ogaal u noqoshadda xaaladda abaareed ee gobolladaasi ka taagan iyo sidii ay  kulamo ula yeelan lahayd dadka ka shaqaysta Xabkaha iyo Beeyadda.

 

“Ujeeddada socdaalkayagu waa laba arrimood.  Mida hore waa xaaladda abaaraha iyo sida dhulku yahay  in aan indho-indhayno,  sababtoo ah waxaan ka mid ahay wasiirrada ku jira guddiga abaaraha  heer qaran. Markaa socdaalkaygu wuxuu ku  wajahan yahay  in aan  xaaladda dadka ee degaamadda aan soo eego.

Ta labaad waxaannu booqanaynaa Ceerigaabo,  iyo dhulka ay Beeyadu ka baxdo. ujeeddadayadu waxa weeye  sidii degaanka, dalka iyo dadkaba wax loo tari lahaa, wixii imika yaalana loo ilaalin lahaa,”ayay tidhi Wasiirka Degaanku.

 

Geesta  kale, Wasiir Shukri Baandare, oo wax laga waydiiyay   cabashadda dadka ka shaqaysta Foox iyo Beeyadda ee la xidhiidha in hakad la geliyay dhoofinta Xabkaha iyo Fooxa, waxay ku jawaabtay,   “Sidee ayaa loo joojiyaa, oo yaa inNaga joojinaya Beeyadda, ciddina innaga joojin mayso. Waxay ku xidhan tahay uun geedka oo aynu ilaashanno.

Wakhtigani ma aha, wakhtigii dhirta la korayay,  laakiin  Beeyadda dhoofkeedda ayaa joojinaya? Haddii aynaan innagu iska joojin, ciddina inaga joojin mayso.”

 

Dhinaca kale  dadka ka ganacsatadda  Xabkaha iyo Fooxa ee gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyay wasaaradda degaanka in ay soo saartay go’aan lagu hakinayo dhoofinta  fooxa.

 

Iyagoo  ay  tilmaamay  in wasaaradda degaanku ay ganacsato ajaanib ah  muddo shan sannadood ah ka kiraysay ama qandaraas ku siisay dhoofinta Beeyadda iyo Fooxa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply