Halkee u Dhakhtar ah Xoolaha ee Lagu Daweeyaa?

0
274

Umadda Somaliland dad ahaan waa ummad  mar kasta ku faanta oo jecel dhaqashada Xoolaha mana dafursanin in nolosheenu ka soo jeedo reer Guuraa xoolo dhaqato ah,waxaaanan mar walba aynu doonaynaa in aynu quudano dheef xoolaad oo daruuriyaadkeena cuntada kow ayay   ka tahay dheefta Xooluhu waana lagama maarmaan in aynu maalin kasta helnaa.

Waxaad mar kasta maqlaysa ummaddeena oo ku leh xooluhu  waa  lafdhabrkeena dhaqaale hadana dalka oo dhan ku arki maysid goob keliya oo loogu talo galay in xoolaha lagu xannaaneeyo iyadoo aad arkayso malaayiin dhakhtar oo dadka loo furtay oo gaar loo leeyahay  haddaba miyaanay X

Laakiin dalka oo dhan kama jirto meel keliya oo lagu daweeyo Xoolaha nool oo si madax bannaan dalka uga furna waxaa kale oo aan jirin dhakhtar xoolaad oo si guud dalka uga furan meelaha ugu badan ee lagu daweeyo Xoolahana waxaa ugu horreeya wasaaradda xannaanada xoolaha oo leh dhakhaatiir xoolaad oo kor meerro kala duwan ugu baxa dalka oo dhan isla markaana si socod ah ku daweeya Xoolaha laakiin cisbitaal xoolaad oo dalka ka furani ma jiro taasina waxay sabab u noqotay in aanay xooluhu helin dawayn joogto ah.

Haddaba dalka Somaliland waxaa u u baahan yahay cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo xoolaha lagu daweeyo haddaan la helinna waxay taasi keeni doontaa in xooluhu ay waayaan cid daryeelkooda masuuliyaddeeda qaada oo leh aqoonti caafimaad ee xoolaha lagu dawayn lahaa.

 

 

Haddaba waxaa loo baahan yahay in dalku uu yeesho goobo iyo xarumo caafimaadka Xoolaha ah oo dawli iyo ganacsi labadaba ah laakiin haddii la yidhaahdo Xoolaha waxaa lagu daynayaa daryeelkooda xoolo dhaqatada reer miyiga oo keliya taasi waxay caddaynaysaa in reer magaal iskii u tashaday xoolo dhaqato iyo duunyona aan dan laga lahayn taasina waxay meesha ka saari doontaa nimcoolayda aynu ku faanno sii jiritaankooda.

 

 

 

 


 

Leave a Reply