Neefka Ishin iyo inta ka faa’iidda Xerada illaa dabka

0
284

Neefka Ishin ayaa waxaa ka faa’iidaysta xerada illaa dabka dad aad u fara badan oo kal hela nolol maalmeedkooda.Neefka Ishin marka ugu horraysa waxaa munaafacaadkiisa dheefsada  oo ugu horreeya qoyska uu xeradooda ka soo baxay ee sayladda keenay laakiin inta aan la kala iibsan waxaa neefka Ishin laga qaadaa Canshuurtii dawladda hoose ee Sayladda iyo tii dawladda dhexe intaa ka dib waxaa neefka u gudbaa marxaladda iibka waxaan lacagta hadba uu gooyo neefku ay u kala gudubtaa mulkiilaha neefka,dillaalka sayladda jooga xeroolihii xalay bariiyay iyo waliba dhawr qof oo kale  oo sayladda siyaabo kala duwan ugu nool.

Intaa ka dib waxaa mar labaad ka faa’iidaysta oo neefka Ishin lacag ka hela  xeroole mar labaad hooya oo haya iyo caws ka ganacsadeyaasah oo caws looga iibiyo intaa ka dibna waxaa mar sadexaadka ka faa’iida kawaanka gawraca Xoolaha oo ka qaata lacagta gawraca. Neefii isagoo nool waxaa ka faa,iiday dawladda oo canshuuro kala duwan ka qaadatay laba xeroole caws iibiyeyaal,dillaal kawaankii gawraca  iyo qoskii uu xeradooda ka soo baxay.

 

Markii uu cado noqday ee neefkii hilbo isku bedelay waxaa ka hela nolol maalmeedkooda hilibleyaasha kala duwan ee ka ganacsada cadaha Xoolaha waxaanay u kala baxaan kuwo iibiya cadaha waawayn ee ay hudheeladu kariyaan waxaana mar kale ka macaasha hilibleyaal kala duwan oo u kala baxa hilibleyaasha waawayn ee hudheelada wax ka iibiya iyo kuwa loo yaqaan jiidhlayda oo iibiya inta ugu yar cadaha neefka Ishin,waxaana mar  labaad ka faaiidaystay hilibleyaal kala duwan iyo hudheelo dib u sii iibsday oo cunto ahaan u iibiyay cadkii xoolaha.

Waxaa kale oo iyaguna ka faa’iidaysta oo nolol maalmeedkooda ka hela haween ka ganacsada beerka nefka ishin oo iyaguna quraaco  ahaan u iibiya neefka Ishin waxaa kale oo ka faa,iidaysta haweenka ka  ganacsada Muqmada oo qaybo ka mid ah cadihisa ka dhiga Muqmad.

Haddaba waxay is waydintu tahay hal neef oo ishin ah ayaynu aragnaa sida uu daruuri ugu yahay nolosheena iyo inta qof ee mid kastaa  ka socdo qoys uu uu soo  kalahay ee ku nool  nolol maalmeedka ay kala soo bexeen neefka Ishin ee xeradiisii ka soo baxay.

Haddaba miyaan loo baahnayn in aynu u gurmano xoolaha sii hammaanana ee abaarta ku lee’anaya qarkana u saran n  ay dabar go’aan.

 

Mar kasta oo aynu ku dedaalno in aynu horumarino nolosha xoolaha nool waxaynu ku guntanay oo anaynu badbaadinay ama ugu yaraan wax ka qabanay qayb ka mid ah mustaqbalka jiritaanka nolosheena oo aynu ka hor tagnay khatad caydheed oo ku soo fool leh laakiin haddii aynu daawasho kaga jawaabno dabar go’a xoolaha ogow dadkuna in uu ku xigi doono oo  aan duunyo kali ahi dhammaanayn  ee ay dad iyo duunyo labaduba is raaci doonaan.

 

 

 

 

Leave a Reply