Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda Telesom, ayaa isku waafaqay laba qoddob oo la xidhiidha sidii loo fulin lahaa go’aankii Madaxweynaha ee suulinta sicir bararka oo uu ku jiray qodob jidaynaya in la xidido adeegyada lacaga la iskugu diro mobile-da oo dawladdu amar ku bixisay in muddo 48 saacadood ah seerfarka lagaga saaro wixii ka hooseeya $100.
Kulan xalay ka qabsoomay madaxtooyadda ayaa labada dhinac ku garnaqsadeen, waxa la isku raacay in la dhaqan geliyo go’aankii xukuumadda si loogu daneeyo shacbiga Somaliland ee cidhiidhiga nololeed iyo abaaruhu ku habsadeen.Waxa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta shirkaas ka dib Wasiirka Madaxtooyadda iyo maamulaha shirkadda Telesom.
“Qaran walba cumlad iyo calan u gaar ah ayuu leeyahay, cumladda Dalkan ee sharciga ahi waa Shillinka Somaliland, shuruucda iyo qawaaniinteenna ayaa tilmaamaysa, xukumadda xilka haysana waxa ku waajib ah inay ka shaqayso sidii lacagtu u kobci lahayd qiimana u yeelan lahayd, shirkaddaha muwaadiniinta ah iyo muwaadiniinta guud ahaana waa waajib saaran,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Wasiir, Maxamuud Xaashi waxa uu ku dooday in go’aankii xukuumadda looga dan lahaa in lacagta shilinka Somaliland ay hesho fursad ay ku socoto, waxase uu beeniyay inay doonayaan inay xidhaan adeega lacagaha telefoonka la iskugu diro, waxaannu yidhi, “Go’aannada soo baxay waxaa ka mid ahaa in shirkadduhu adeegooda ka saaraan wixii boqol doolar ka yar ama laba lambar(Two digit) oo la joojiyo wax ku iibsigooda iyo isu diristoodaba laakiin, adeegga ZAAD iyo E-Dahab dawladdu ma xidhin, waanu caddaynaynaa arrintaas oo far waaweyn baanu ku dhigaynaa, shirkaddaha adeegyadaas leh ee Telesom iyo Dahabshiil waa shirkadihii dalka ugu waaweynaa masuuliyad baana xukuumad ahaan naga saaran inaanu ilaalino, kobacooda iyagana masuuliyad baa ka saaran inay ilaaliyaan maslaxadda guud ee qarankooda. Adeegyada Zaad iyo E-Dahab lama xidhin, wixii boqol doolar ka weyn sidii buu u shaqaynayaa oo wax loogu iibsan karaa waxna loogu kaydsan karaa laakiin, wixii ka yar boqol doolar in nidaamka laga saaro weeye, waxaana halkoodii galaya shilinka Somaliland in baska lagu raaco, hudheelka wax lagaga cuno, shaaha lagu cabbo, kabaha lagu baalashaysto, nuxurka ugu weyni waxay ahayd in lacagta Somaliland hesho fakaag ay ku socoto.”
“Madaxda Telesom waxay ka cawdeen in nidaamka wakhti dheer lagu sameeyay, loona baahan yahay in wakhti dheer lagaga saaro.Waxay noo soo gudbiyeen in xilli abaara lagu jiro oo dad badan oo muwaadiniin ahi Zaadka lacag ku haystaan, qaar goobaha miyiga ah aanay joogin meel ay kala baxaan, qaarkood xuduudaha ka tallaabeen, waxay noo soo gudbiyeen in arrintaasi farsamo ahaan adag tahay,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu isku raacnay laba qodob; kow in go’aammadii xukumadda la fuliyo shirkadda Telesom-na ogolaatay in go’aankaas la fuliyo, laba waxaanu gar-waaqsanay cabashadii Telesom in farsamo ahaan ay 48 saacdood ku yar yihiin inay nidaamka kaga saaraan, waxaanu isla qaadanay inaanu samayno guddi farsamo oo khuburro madax bannaan ah oo xukuumad ahaan nagala talis xilliga ugu suurto galsan ee nidaamka shirkadda lagaga saari karo wixii ka yar boqol doollar, shirkadda Telesom-na ay noo soo gudbinayso qorshe muujinaya xilliga ay ka saari karto.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu intaas ku daray in shirkadda Dahabshiil ay warqad u soo qortay dawladda kuna wargelisay inay fulinayso qaraarkii dawladda.
Maamulaha shirkada TELESOM Mr.Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa isna tilmaamay inay aqbaleen go’aanka Madaxweynaha, “Wada hadal dheer iyo garowshiiyo dhinac walba ka yimid waxaanu u mahadcelinaynaa xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo; waxaanu isla qaadanay in inaanu shirkad ahaan soo dhaweynayno go’aankaa madaxweynuhu gaadhay golaha Wasiirraduna soo saareen, waxay arrintu u baahatay farsamo ahaan in la isla eego. Waxaanu macaamiishayada u sheegaynaa in adeeggii aanay farsamo ahaan waxba iska bedelin, sidoo kalena aanu ka shaqayn doonno farsamo ahaan oo aanu wada shaqayn doono guddida xukumaddu soo magacaabayso,” ayuu yidhi Iid.
Dawannews Hargeysa office