Mudaharaad Ballaadhan oo ka Dhan ah TELESOM oo ka Dhacay Magaalada Hargeysa

0
402

Hargeysa (Dawan)- Dadweynaha caasimadda Hargeysa, ayaa ku mudaharaaday shirkadda TELESOM isla markaana si mugleh u taageeray go’aankii Madaxweynaha Somaliland uu ka soo saaray sicir-bararka iyo adeegyada Zaad iyo E-Dahab. Dadweynaha xaafadda Gol-jano iyo suuqa Gobanimo ee degmada 26-ka June ee caasimadda Hargeysa, ayaa dhigay bannaan-bax ay ku taageerayaan go’aankii Madaxweynaha Somaliland ee qorshaha degdega ah ee xakamaynta sicir-bararka.

 

Baaqii Banaan-baxeyaasha Hargeysa:

Banaan-baxeyaashu waxay walaac ka muujiyeen taawarada iyo biraha dhaadheer ee shirkadaasi ka taagtay xaafadaha dhexdooda, waxaanay ku doodeen inay halis caafimaad ku hayso mujtamaca xaafadaas degan. Waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay wax ka qabato arrintaas oo muddooyinkii u dambeysay cabashadeedu taagnayd.

 

Dadweynaha ku muddaharaadayay Shirkadda Telesom ayaa sitay boodhadh ay ku xardhanaayeen halku-dhigyo ku wajahan  taageerada ay u hayaan go’aanka Madaxweynaha ee la dagaalanka sicir bararka iyo sida ay uga soo horjeedaan adeega Zaadka iyo E-Dahabka iyo biraha xaafadaha  laga dhex qotamiyay.

 

“Madaxweynahayagu wuxuu ku mahadsan yahay sida uu doolarkii nooga jebiyey ee uu  amarka geesinimada ah  uga soo saaray, annaguna haddii aanu nahay shacabka Somaliland marnaba raali kama nihin doolarka. waxaanu diyaar u nahay in la ilaashado  shillinka Somaliland oo wax lagu kala iibsado oo lacaga dalku ay shaqayso oo kirada,laydhka,Biyaha  iyo wax kastaba nalagaga qaado shillinka Somaliland,”ayay tiraabaysay hooyo ka mid ah dadkii banaan-baxaas ka qaybgalay oo la hadashay warbaahinta. Abshir Maxamed Xasan oo ku hadlayay magaca mudaharaadeyaashaas ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay go’aankii taariikhiga ahaa ee uu ku xadiday lacagaha la iskugu xawilo Telefoonka gacanta oo qiime tiray lacagtii dalka, waxaanu xusay in sicir-bararkana asbaabaha dhaliyay ay ka mid yihiin Zaadka iyo E-dahabku.

“lambar  baa wax lagugu siinayaa oo xoolahagii lagaaga shubanayaa macquul maaha dunida lagama yaqaan,”ayay tidhi Haweenay ka qaybgashay banaan-baxaas.Xaafadda goljano ayaa samaysay muddaharaadkii saddexaad ee ay kaga soo horjeedaan taawarro ay xaafaddaas ka taagayso shirkadda TELESOM oo ay sheegeen in ay ku hayaan caafimaad darro isla markaana aanay raali ka hayan in xaafadda laga qotomiyo taawaro kale.

 

 

Siday ku soo warameen weriyeyaashayada gobollada dalku, waxa shacbiweynaha Somaliland si isku mid ah ugu riyaaqeen go’aanka adag ee dawladda oo ay ku tilmaameen mid loo baahnaa oo la doonayo in xil la iska saaro fulintiisa.

 

Dadweynaha naqdiyay Telesom, waxay shirkadaas ku sifeeyay mid laga leeyahay Muqdisho oo lacagtii adkayd ee wadanka soo galaysay  urursatay iyadoo uu dheefsanayo ganacsadaha reer Muqdisho ee Axmed Jimcaalle.

Sidoo kalena, waxa la soo weriyay in dadweynaha gobolladu ay shirkadda Telesom kala baxeen lacagihii ay ku kaydsadeen adeegga Zaadka ee dawladdu xadiday in aan lagu shuban karin wax ka yar $100.

 

 

Tallaabooyinka  Telesom qaaday:

 

Shirkadda Telesom, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxay faraqday lacago tiro badan oo ay u qeybisay odayaal iyo dhallinyaro kala duwan, kuwaasi oo ay ka dalbatay inay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha iyo xukuumadiisu ugu hiilinayaan danyarta ku tabaaloobay sicir-bararka iyo sarif bararka is kaashaday.

Dad shirkada Telesom soo abaabusay ayaa shirar jaraa’id oo weji ku macaash ah ku qabtay magaalooyin kala duwan, waxaanay ku doodayeen in adeega Zaadku aanu sababin sarif bararka iyo sicir bararka cirka isku shareeray.

 

Wakhtigii Loo qabtay oo Dhammaaday:

 

48-kii saacadood ee  Baanka dhexe u qabtay in shirkadaha isgaadhsiintu ay serfarkooda Zaadka iyo E-dahab  ka saaraan wixii ka yar Boqol doolar, ayaa ku ekayd  11-kii cawaysnimo ee xalay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply