Diyaarad Shidaal La’aan ku Duulaysa oo La soo Saaray Markii Ugu Horeysay

0
311

Waxa markii ugu horeysay lasoo saaray diyaarad nooca Helicopter-ta loo yaqaano ah , taas oo ku duulaysa shidaal la’aan, waxaanay noqotay dhacdadii ugu hadal haynta badnayd toddobadkii ina dhaafay warbaahinta caalamka.

Shirkadda diyaaradan soo saartay oo laga lee yahay wadanka Jarmalka kuna taala magaalada lagu magcaabo Karlsruher ayaa soo saartay diyaaradaasi oo ku duulaysa Beytari la jaajar garaynaayo, waxaana diyaaradan lagu magcaabaa Volocopter.

Waxaanay hada maraysaa tijaabooyin, iyada oo la filaayo inay iibsadaan dad badani, waxaana dadka qaar iska weydiinayaan su’aalo sida lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan qoddobkan kazoo xigtay, iyada oo ay su’aasha ugu badani noqotay siday noqonayso haddii dabku ka dhaco iyadoo hawada ku jirta.

Shirkadda ayaa ku hawlan dhamaystirka xayn kamid ah diyaaradan oo ay soo saarayso, iyada oo la filaayo inay dhowaan suuqyada soo gasho, iyada oo lagu iibsanaayo lacag badan.

Leave a Reply