Maxaad Ka Taqaanaa Hubka Ugu Casrisan Ee Ay Isticmaalaan Ciidamada Ruushku?

0
319

Waxa dhowaan lasoo bandhigay hubka ugu badan ee ay sannadihii ugu dambeeyey isticmaalayeen ciidamada wadanka Ruushku, kuwaas oo ahaa kuwo dhowaan ama sannadihii ugu dambeeyey la sameeyey laguna soo kordiyey hubka ay ciidamadaasi isticmaali jireen.

Waxaana ugu dambeeyey gantaalo  kuwa soo rida gantaalada kale ah, kuwaas oo ay shaacisay in la dhamaystiray wasaaradda Difaaca wadanka Ruushka oo soo saartay Qoraal uu wargeyska Dawan kazoo xigtay wasaaradaasi difaaca, waxaanu gantaalkaasi socon karaa xawaare dhan 3 Kilometers /Second kiiba.

Waxaanay wasaaraddu soo bandhigay hubka ugu muhiimsan ee ay ciidamadasi hadda isticmaalaan oo kala ahaa sidan:-

1:Tank “T-14” : waa taangiyadda ay isticmaalaan ciidamada Ruushku mid kamid ah waana kuwa ugu casrisan ee dhowaan la sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu magcaabo Armata ,waxa saaran qori dhuuntiisu tahay ilaa 125 mm,kaas oo lagu hagi karo Remote ,waxaana loo hagi karaa hab Automatic ah iyo hab Digital ah labadaba, iyada oo ay u dheer tahay Camera ku rakiban .

Waxa kale oo tangigan ku xidhan Radaar si fudud u ogaan kara diyaaradaha kusoo socda iyo taangiyadda kale ee soo weerari kara, waxa kale oo saaran gantaalo uu iskaga difaaci karo haddii gantaalo lagu soo rido, waxa uu si fudud isugu qufuli karaa qalab casri ah haddii gawaadhida yar yari soo toogtaan.

Mashiinka saaran ayaa isna ah 1500 ilaa 2000 oo Horse Power, isaga oo leh ilaa 40 nooc oo hababka difaaca ah, waxa kale oo saaran qori yar oo dhererkiisu yahay 7.62 mm, isaga oo ku socon kara xawaare dhan ilaa 80 km / saacadiiba.

2:Helicopter “Ka-35” :Waa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, taas oo ay sameeyeen khubaro ka socotay shirkadda lagu magcaabo Kamov, waxaanay u samaysan tahay habka diyaaradda loo yaqaano Ka-31, taas oo la sameeyey horaantii 80-maadkii.

Diyaaradan waxa ku rakiban radar aad u casri ah , kaas oo meelo fog ka ogaan kara hubka cadowga, sidoo kalena sheegi kara masaafada ay u jiraan ciidamada cadowgu.

Meelihii ugu horeeyey ee lagu tijaabiyey ayaa ahaa wadanka Suuriya, iyada oo duulimaadyo iyo weeraro ka fulisay xeebaha wadanka Suuriya.

Waxaana waqtigaasi aad uga hadlay warbaahinta Ingiriiska oo ku sheegtay inay diyaaradani tahay mid khatar ku ah amniga caalamka, sidoo kalena ay kamid tahay hubka u qarsoon ciidamada Ruushka.

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco……………………………………………………………………………………………………………………………………..

 

Leave a Reply