Miskiinka “Idinkaa Iga Mudan Dawarada”

0
352

Nin miskiin oo dawarsanaya ayaa habeen guri ay hortiisa ku sheekaysanayaan koox rag ah ku yidhi “ Waar casho isiiya”. Nimankii ayaa ugu jawaabay “ Allah ina ha siiyo”.  Miskiinka ayaa ku celiyay waar jab roodhi ahna miyaydaan hayn?  Iyaguna waxay ugu jawaabeen maya , mahaysano.

Haddana wuxu ku yidhi “ Hambadii cashadiina  isiiya “?  Waxayna yidhaahdeen waxba ma hayano.

Isagoo yaaban ayuu ku yidhi “ Bal haddaba koob biyo cad ah isiiya”?  Markaasay ugu jawaabeen “ Biyo nooma yaalnaaba “?  Miskiinka oo amankaagsan ayaa ku yidhi “ Haddaa meesha maxaa la fadhidaan ina mariya aan wada dawarsanee idiinkaaba iga mudan dawaradee”!

Leave a Reply