Tuugii Badbaadiyay Qoyska Guriga!

0
329

Nin Tuug ah  ayaa usoo dhacay guri uu doonayay in uu xado intay hurdaan, si uu qaato alaabooyinka fudud ee usuurtagala.

Nasiib daro tuugii markiiba wuxu la kulmay xubnihii qoyska oo dhamaantood wada miyir beelay ka dib markii hawada ku sumoobeen. Tuugga ayaa bilaabay inuu furo daaqadaha iyo albaabada guriga  si hawada ogsiijinta nadiifita ahi ugu soo gasho .

Isla markiibana wuxu u qayliyay jaarkii guriga waxaana loo yeedhay booliiska iyo xarunta gargaarka caafimaadka degdega ah.

Wargeys ka soo baxa dalka Tunisiya oo lagu magacaabo Asariixa oo daabacaday warkan ayaa sheegtay in wiilkan la siiyay lacago abaal marin ah iyadoo lagu qiimeeyay sida insaaniyadda ah ee uu badbaadiyay ee aanu isugu hawlin in alaabtooda gurto. Waxaan uu wargeysku intaasi ku daray in wakhtigan ninkaasi aanu ahayn tuug ee uu noqday nin hanta uu ku shaqaysto helay.

Leave a Reply