Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhagax Dhigay Jeel Cusub Iyo Dhisme Loo Binaynayo Maxkamadaha Selal

0
282

Saylac (Dawan)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed,  ayaa  Magaalada Saylac ku dhagax-dhigey xabsi iyo xarun maxkamadeed oo laga hirgelinayo gobolka Selal, waxaanu sheegay in xabsigaasi wax weyn ka tari doonto baahidii jeelasha ee gobolka ka jirtay.

 

Aadan Xaaji Cali Axmed gudoomiyaha oo  hadal kooban ka jeediyay munaasibadii loo qabtay dhagax dhiga dhismaha jeelka iyo maxkamada ayaa sheegay in loo baahan dadaal dheerada gobol iyo degmaba si hawsha labadan goobood u noqoto mid hirgasha, waxaanu yidhi,  “Waxa sharaf weyn noo ah inaanu maanta (shalay) halkan dhagax dhigno, oo ay degmaduna bixisay dhulkii loogu talo-galay oo maayirkuna innala joogay, xabsigii loogu talo-galay gobolka Selal, kana dhismi doona magaalada  Saylac iyo maxkamadii gobolka Selal oo degmadda, gobolka iyo xeer ilaalintii oo iyaduna halkan looga dhisi doono dhisme, waxa  loo baahan yahay inaanu dardar-galino iyo dedaal dheerada oo la geliyo si ay hawsha dhismaha xarumahani u noqdaan qaar hana qaada.”

“Anigoo ku hadlaya afka caddaaladda iyo garsoorka, kana wakiila dhammaan hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka qaabilsanna haddii ay tahay, Wasiirkii Caddaalada, Xeer ilaaliyihii, Taliyihii Asluubta iyo booliskii oo qaybahoodii inagala joogaan,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Badhasaabka gobolka Selal, Cabdinaasir Maxamed Xasan,  ayaa sheegay inay baahi weyn u qabeen dhismeyaashan laga bilaabay gobolkiisa, waxaanu yidhi,  “Si wada jira ayaanu dhagaxan u dhigaynaa annaga oo baahi weyn u qabney, ka gobol ahaan ilaahayna kheyr haynooga dhigo, aniga xafiiskeygu waa laba hool marka midbaan idiinku deeqay inaydun ku shaqeysaan inta dhismuhu idiin dhammaanayo, maxkamaduna markaasi ay ku hawl gasho  waayo iskaashigaasi waxaanu u sameynaynaa inuu gobolku noqdo mid wada shaqeynaya, shaqada maxkamadduna ay noqoto mid si wanaagsan u socota.”

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply