Wasiirka Caddaaladda oo ku Eedeeyay Qaar ka mid ah Culimadda Inay Kicinayaan Dadweynaha

0
264

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaarada Caddaaladda Jamhuuriyadda  Somaliland, Md.    Axmed Faarax Cadarre,  ayaa sheegay  in aan loo baahnan in qaar    ka mida  culimada Somaliland   ay  dadka kiciyaan.

Axmed  Faarax Cadare oo shalay u waramayay telefishanka Star Tv, ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo, loo doortay in uu dalka hoggaamiyo,waxaana uu u soo jeediyay dadka wax dhaliila in ay wixii tallo ah ee ay hayaan u soo gudbiyaan madaxweynaha, isla markaana aanay munaasib ahayn  in la aflaagaadeeyo madaxda qaranka.

“Looma baahna in dalka khal-khal la geliyo, waxaana uga digayaa culimada qaarkood   ee  aflagaadeeya  masuuliyiiinta qarankana karaamo ayay leeyihiin,   waa  in laga ilaaliyo aflagaadada.  annaga waa nala igmaday,culimadu amniga ayay nagala shaqeeyaan.  culimada Somaliland waxa ay kaga duwanaadeen culimada kale horumarka iyo wanaaga dalka ayay ka shaqeeyaan. markaa culimada qaar waxa ay ku mashquulsan yihiin in dadka ay kiciyaan  waxaan leeyahay dadka ha kicinina  masuuliyada qaranka madaxweyne ayaa loo doortay haddii aad tallo u haysaan u keena,”ayuu yidhi Wasiirka Caddaalladdu, waxaanu intaas ku daray, “Horta waa ayaan darro in dadku ay isku keenan laba arrin oo aan is lahayn, marka horumarka wadanka laga fikirayo ee madaxweynaha qaranka hoggaamminayaa uu horumar la rabo, ma aha wax la  isku  khilaafo, horumarka wadanka iyo masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha qaranka shacab, xukuumad iyo xisbiyo waa loo siman yahay halkaasi meel siyaasad laga raadiyo ma gaydo.”

Wasiirku waxa uu soo jeediyay in aan siyaasad laga dayin wixii horumarka    wadanka ku wajahan, waxaanuyidhi “Madaarka iyo dekedda Berbera Maraynkan baa yimi  wuu dhisay oo waddankeena wax badan ayuu taray  markii uu tegayey ma maraakiib ayuu qaatay?  Wuu inooga tegay , ruusha ayaa yimid wuu dhisay  maalintii aynu is garan wayn iska tag  ayeynu nidhi  miyuu qaatay war yaan caqliga dadka lagu ciyaarin , dhaska iyo boodhka ayaa ku dhaca ee dawladda carabta ayaa intaa yar inagu aammintay.”

 

Wasiir Cadarre waxa uu iftiimiyey doorka ay ka qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha haddii saldhig milatari ku ooli lahaa Berbera, waxaanu yidhi,“Maanta haddii ay diyaarado  fadhiyaan oo saldhigaasi ii joogo abaaraha dhacaya diyaaradahaas ayaa  raashinka u qaadi lahaa  oo dadkeenna u guri lahaa.  abaartii daba dheer ee dhacday xilligii Soomaaliya waxa u soo gurmaday diyaaradihii Ruushka ee fadhiyey Madaarka Berbera.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply