Xildhibaan Bidhi oo Sheegay In Dadkii Abaartu Tabaaleysay ay soo Galeen Burco

0
303

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Mubaarik  Yuusuf  Cilmi  Mubaarik   Bidhi oo ka mid ah Golaha    deegaanka   degmada   Burco ee gobolka Togdheer,  ayaa walaac ka muujiyay heerka ay marayso abaarta ka jirta goballada bari ee dalka.

Mubaarig Bidhi oo shalay qaar ka mida warbaahinta kula hadlay magaalada Hageysa,  ayaa   sheegay in uu ugu deeqay  labo bilood oo  mushaharkiisii ah   dadka abaartu hayso ee ku dhaqan gobolka Togdheer,waxaana uu xusay in dadkii abaartu saamaysay ay soo galeen magaalooyinka gobolka  gaar ahaan magaalada Burco.

“Abaarta ka jirta dalka gaar ahaan goballada bari,  waa mid aad u ballaadhan haddii ay tahay dawladda iyo tahay shacabka reer Somalilandba,   gudo iyo dibadba si   mugleh ayay gacan uga gaysteen abaartan jirta,walina abaartu waa taagan tahay waana abaar oo baahsan oo dad iyo duunyaba saameysay,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Dadkii abaartu saameysay,  waxay  soo   galeen   magaalooyinka    dadkii xooluhu ka dhammaadeen intoodii ugu badneyd waxa ay soo galeen gobalka togdheer,caawimo  ayaa  xukuumaddu    gaadhsiiyay 25 kun oo qoys oo ka soo bara kacay abaarta jirta.    gole deegaan ahaana 50 kun oo doolar ayaan miisaaniyada ugu darnay dadkaa abaartu hayso. aniguna ka xildhibaan    ahaan    waxa  mushaharkaygii    bilihii   ugu dambeeyay  ugu   deeqay   dadkaa naafeysay     iyo in ka badanba.”

Sidoo kalena, waxa xildhibaanku ku bogaadiyay madaxweynaha saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo uu dallacsiiyay, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan  Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskooda oo aan ku Bogaadinayo sannad guurada 23-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda markii dhidibka loo taagay sannadkii 1994-kii.

Ciidanka Qaranku waa muraayadda iyo hal-beega dawladnimadeenna bilay, waanna geesiyaal  dhiigooda u huray inay cadowga dibada ka jiraan dalkooda qiimaha adag ku jooga. Waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu sannadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa tallaabada uu ku dalacsiiyay 4393 sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka

 

Waxa kale oo aan ku ammaanayaa Madaxweyne Siilaanyo, siday iskaga xil-saartay tayaynta iyo kor u qaadista karaammada ciidammada qalabka sida. Haddii ay tahay bixinta derajooyinka ciidanka, qalabeyntooda iyo mushahar iyo gunno u kordhintoodaba.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply