Booliska Turkiga oo Howlgal ku soo Xidhay 445 Qof oo lagu Tuhmay Daacish

0
290

Booliska Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay  445 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihin  dawladda  islmaamiga ah ee Daacish la baxday.

Sida ay sheegtay  warbaahinta dowladdu weeraro qorsheysnaa ayaa  subaxnimadii hore lagu qaaday 18 gobol, waxana tuhun  lagu soo qabqabtay dad badan.

 

Dadkaasi  la xidhay ayaa u badnaa ajaanib , waxaaana ka mid ahaa 60 loo qaaday casimada Aankara.

Daacish ayaa sheegatey masuuliyada weerarkii sannadaaaka cusub lagu qaaday goob caweys oo lagu dilay 39 qof.

 

Leave a Reply