Banaanbaxyo ka Dhan ah Dawladda Neyjer

0
294

Kumanaan qof ayaa dalka Neyjarr ka dhigay banaanbax ay kaga soo hor jeedaan madaxweyne Mahamadou Issoufou iyo xukuumadiisa.

Banaanbaxa ka dhacay magaalada caasimadda ee Niamey waxaa soo abaabulay dhowr urur oo ah kuwa bulshada rayidka.

Waxay ka cabanayeen musuqmaasuq, waxayna ku baaqeen in xukuumaddu hoos u dhigto caddadka lacagta ay ku kharash garayso xubnaha baarlamaanka.

Shaqaalaha dawladda qaarkood ayaa sheegay inay ka maqan yihiin lix ilaa todoba bilood mushaharkii ay qaadan lahaayeen.

Dibad baxayaashu waxay kaloo dhaliileen joogitaanka milateriga reer galbeedka ee Neyjar.

Dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa dalkaas saldhigyo ku leh, si loola dagaallamo islaamiyiinta xagjirka ah ee gobolka Saaxil.

 

 

Leave a Reply