Ingiriiska oo Sheegay inuu Heshiis ku Saabsan Is-dhaafsiga Maxaabiista la Galay Somaliland

0
316

London(Dawan)- Xukuumadda Ingiriiska,  ayaa shaaca ka qaaday inay kula jirto Jamhuuriyadda Somaliland heshiis la iskugu  gudbiyo maxaabiista dambiyada ka gala ee xabsiyada ku jira, inakstoo ay xaqiijiyeen inaanu jirin maxaabiis ay weli u gudbiyeen.

Xildhibaan Keith Vaz, oo xisbiga shaqaalaha ka tirsan ayaa weydiiyey Ku-xigeenka Xoghayaha wasaarada Caddaaladda, tirada iyo noocyada dambiileyaasha asalkoodu yahay Soomaalida ee loo wareejiyey xabsiyada Soomaaliya shantii sannadood ee u dambeeyey.

Phillip Lee, Ku-xigeenka Xogahayaha  Caddaaladda Ingiriiska, ayaa sheegay inuu jiro heshiis isfaham ay la wadaagaan jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Boqortooyadda Ingiriisku waxay kula jirtaa heshiis is-faham Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo  dhigaya in la isku  wareejiyo maxaabiiska labada wadan. kaliya maxaabiista asal ahaan Somaliland ka soo jeeda ayaa jeelashooda loo gudbin karaa sida heshiisku dhigayo.”

Phillip Lee, ayaa intaas ku daray  inaanu jirin wax maxaabiis ay ilaa xilligan u wareejiyeen xabsiyada Somaliland, waxaanu yidhi, “Ilaa xilligan ma jiro wax maxaabiis la wareejiyey.”

Sannadka 2015/16 waxaan u wareejinay dalalkooda  tiradii ugu badnayd ee ajaanib dambiyo sameeyay oo gaadhaya 5,810 ku jiray xabsiyada, xarunta socdaalka iyo goobaha tarxiilka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply