Baraf ku Dilay 100 Qof Afgaanistan iyo Bakistan

0
299

Baraf xoogganaa oo soo jabay ayaa ku dilay in ka badan 100 qof dalalka Afgaanistaan iyo Bakistaan.

Shilkani waxa uu ahaa  kii ugu dhimashada badnaa, waxaanu xaafad keliya ku dilay 45 qof, kadib markii buuro baraf ahaa ku soo dumeen gobolka Nuuristaan eee ku yaal waqooyiga bari ee xuduuda Bakistaan.

Waxa kale oo uu barafka soo jabay ku dilay saddex iyo toban qof waqooyiga Bakistaan. .

Waxaa la sheegayaa in ay burbureen aqallo badan kadibna dadka qaar u dhinteen qabow daran, qaar kalena ku xanibmeen gudaha baabuurta.

Waxa kale oo jirey baraf ku soo butaacay waqooyiga caasimada Afqan ee Kaabul.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in barafku aasay gebi ahaanba laba xaafadood.

 

 

Gobolka buuraleyda ah ee Badakhshan  ayaa isna si xun  ay ugu dhufteen dabaylo baraf wataa.

 

Leave a Reply