Baanka Dhexe oo u Digay Sarifleyaasha Suuqa Madow ku Iibsada Doolarka

0
251

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaalle), ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo jabisa go’aankii xukuumaddu ka soo saartay xakamaynta kor u kaca sarifka doollarka, kaas oo sababay sicir barar keenay inay maceeshadii qaaliyowdo. Gudoomiyaha baanka dhexe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu ka hadlayay kulan uu la yeeshay guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland.

 

“Doolarku imika hoos buu u sii socdaa, ilaa inta uu meel hoose gaadhayana waanu wadaynaa  sarifka doollarku halka doollar ma wada marayo 8500, laakiin waa meelaha qaarkood. Meelahaasna ciidankii ku shaqada lahaa ayaanu u dirnay, waanu  ka war haynaa oo intaas waanu dhex soconaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha baanka dhexe, waxaanu intaas ku daray,  “Guddida waxaanu uga waranay halka ay marayaan arrimaha sarifka lacagaha iyo sicir bararku. Guddida arrimihii aanu ka wadahadalnay si fiican baanu iskula af-garanay wax ka qabashada  dhibaatooyinka jira.Kulankaas aanu la qaadanay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada waxa uu ka dambeeyay dalab ay noogu yeedheen, kaas oo ku saabsanaa is xog-waraysi la xidhiidha arrimaha sicir bararka.”

 

Mr. Dhoobaalle  mar uu ka hadlayay halka uu marayo go’aankii xukuumadu ku joojisay lacagta lagu xawilo telefoonnada gacanta  ee shirkadaha isgaadhsiinta  ee TELESOM iyo SOMTEL, xukuumaddu ku amartay inay  adeegyadooda Zaad iyo E-dahab ay  seerfarkooda ka saaraan  wixii ka yar $100, waxaanu yidhi,  “Arrintii Zaad-ka iyo E-dahabka, guddi farsamo ayaa loo saaray oo soo dhadhawaysay arrintiisina way iska dhan tahay oo meel fiican bay maraysaa.”

 

Guddoomiyre ku-xigeenka guddi hoosaadka joogtada ah ee Golaha Wakiillada xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale,  ayaa isna isagoo sharaxaad ka bixinayay  waxyaabihii ay kala hadleen masuuliyiinta baanka dhexe, waxa uu yidhi, Guddida joogtada ah ee golaha wakiilladu waxay u u yeedheen masuuliyiinta baanka dhexe, oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baanka dhexe. Waxaanu ka xog-waraysanay arrimaha sicir bararka ee dalka ka taagan. runtii wixii ay xog hayeen way na siiyeen, wixii su’aalo ah ee ay xildhibaannadu waydiinayeen-na waa  la waydiiyay masuuliyiinta baanka dhexe si fiican bay uga warameen arrimihii aanu wax ka waydiinay.”

Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud “Siilaanyo”, ayaa 24-kii bishii hore go’aan ka soo saaray qiimaha sarifka doollarka, kaas la amray in (boqolka dollar lagu sarifo todoba boqol oo shillinka Somaliland). Xukuumaddu waxay amartay in ciddii ka hortimaada go’aamadaas sharciga la mariyo, taasina waxay keentay in hoos u dhac ku yimaado qiimihii sarifka doollarka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply